abwaan abdulqadir aadan guuleed
Waa Maanso Cusub oo la Magic Baxday ( Hooyo)
Maansadaan Waxaa Alifay Abwaan Abdulqaadir Adan Guuleed
Waxaanan Rabaa in aan xusuusiyo Soomalida Qurbaha
Qiimaha ay Hooyadu Leedahay
Waxayna ku bilaabaneysaa sida tan
Hilaac iyo iftiin iyo
Harac iyo udgoon iyo
Heybadaan ku noolnahay
Ma helneen dhamaanteed
Hadii Hooyo ay jirin
Haddii hooyo ay jirin
Dadka uma hayaameen
Ma helneen aduunyada
Halka ugu danbeysiyo
Hareeraha dhamaantood
Haddii Hooyo ay jirin
Hanad kuma siyaadeen
Heblo lama yiraahdeen
Halo laguma maaleen
Halka aynu joognaa
Haddii Hooyo ay jirin
Haasawe daayee
Hadal lama haweysteen
Jaceylada hardamayaa
Halbowlaha ma gaareen
Haddii Hooyo ay jiran
Labo kuma heshiiyeen
Hidihii wacnaa iyo
iney Hooy distaanooy
ku hurdaanba laabaha
haddii Hooya ay jirin
hadraawaba siduu yiri
hal abuur nin tiriya iyo
heesaha macaan iyo
Hoobaan ma guraneen
Haddii hooyo ay jirin
carees ciisihii hore
murtidiisa hodankaa
waa lama huraankii
Hooyo kuma yiraahdeen
aan hoos u dhaca ee
Hooyooy waxaan tahay
heybadii aduukiyo
hugeedii wacnaayee
lagu hugiyaya gabigeed
halka aad ku taalaa
Hooyooy anaa garan
hidis baad ka yeeshaa
horay baad u marisaa
qofka aad horaadkiyo
heelo aad u tirisoo
ku hurdaa dhabtaadee
ku hilmaami maayoo
halboowlaha jirkoo idil
wadnaha meel ka hoosaad
hooy aad ku leedahay
waxa hoogay gabigii
midka Hooyo aad tiri
ilin aayna ka hoorin
hee iyo hooyo
jawaabtiisa hortii
halka aad ku taalaa
Hooyooy anaa garan
ee ifka hibo ku nooloow
Aaqira halkii roon (jano_)
hiiraanweyn online













