magaalada baladweyne oo ay dul heehaabayeen diyaaradaha dagaalka ee mareykanka

Diyaarado dagaal oo gaaraya ilaa 2-3 ayaa Xalay cabsi ku beeray Dadka ku dhaqan Magalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan markii ay arkeen muuqaalka diyaaradahasi, diyaaradahaas  oo bixinayay Flashka sawiro ay qaadanayaan ayaa lagu arkay Hawada Baladweyne waxa ayna cabsi iyo qalqal galiyeen Dadka.Diyaaradaha lagu arkay Hawada Baladweyne waxa ay ahaayeen nooca Helcopterska waxa ayna cabsi ku beereen dadka magaalada ku dhaqan oo la yaabay qaabka ay u duulayen.Waxaay kusocdeen Joog hoose mararka qaar hilaac iyo Iftiin ayay bixinayeen waxaan u qaadanay in ay magaalada duqeyn rabaan ayuu yiraahday qof  warbixin siiya H ONLINE  ee magaalada Baladweyn.Diyaaradaha dagaalka ayaa waxa ay dhawaanahan dhaqdhaqaaq ka samaynayeen Koonfurta Soomaaliya deegaanada ay ka taliyaan Mucaaradka taasi oo dad badan ay aaminsanyihiin in ay doonayaan dagaal ay la galaan Mucaaradka

HIIRAANWEYN ONLINE

 


Leave a Reply

wararka carabiga webkaan kala socon WWW.SOMALINOTE.COM ka baro magacyada  rabi free countersRADIO HIIRAANWEYN
S
S
S
ext