Ciidamada bada Midowga yurub ee la dagaalanka Burcad badeeda u jooga xeebaha Soomaaliya ayaa gacantu ku dhigay Burcad badeed iyo doonyihii ay wateen sida ay saraakiil ka tirsan ciidamada bada EU-da ay sheegeen.
Burcad badeeda iyo doonyaha ay wateen ayaa waxaa meel u dhaxaysa Jasiirada Seychesles iyo xeebaha Soomaaliya xili ay marayeen istaajiyay diyaarad Helicopter ah oo ay leeyihiin ciidamada bada Luxembarag,waxaana goobtaas oo uu gaaray Markab ay leeyihiin ciidamada bada Germany ay burburiyeen qaar ka tirsan doonyaha ay Burcad badeedu wateen,
iyadoona dooni kale oo ay saarnaayeen Burcad badeeda ay isku ka xeeyeen.
Saraakiil u hadashay ciidamada bada Midowga Yurub ee la socoshada dhaq dhaqaaqa Burcad badeeda oo ay xaruntoodu tahay London ay sheegay in ay haatan baaritaan ku wadaan doonida iyo Burcad badeeda ay soo qabteen.
Doonida ay Burcad badeeda kula soo hareen ciidamadooda ayaa sarkaalku sheegay in ay cadayn ahaan usoo kaxaysteen,iyadoona haatan Burcad badeeda iyo doonidaba ay yihiin kuwa gacantooda ku jira.
Qabashada Burcad badeeda ayaa imaanaysa xili ay asbuucii aynu soo dhaafnay ay ciidamada EU-da gacanta ku dhigeen in ka badan 40 Burcad badeed ah oo ay siyaabo kala duwan ugu soo qabteen badweynta India iyo gacanka cadmeed.
Qabqabashada Burcad badeeda ayaan ahayn kuwo hoos u dhigay afduubka iyo weerarada ay u geysanayaan Maraakiibta iyo doonyaha xamuulka ee maraya badaha ku dhow Soomaaliya.
Hiiraanweyn Online
W/D:Max’ed Shuuriye Nuur { Barakaat}
taraabul@hotmail.com
002521-5513132 ama 002521-62295248
wepmesterhiiraanweyn@gmail.com













