Kulankani oo maanta lagu soo gabagabeenayo magaalada Adis Ababa ee Caasimada wadanka Ethiopia ayaa waxaa ka qeybgalaya ilaa iyo 3-wafuud, waxaana wafdi kamid ah uu yahay madax ka socota Midowga Afrika iyo Urur goboleedka Igad oo iyagu gadaal a riixaya heshiiskan oo in mudo ah ay soo qaban qaabinayeen.
Dhinaca kale waxaa ka qeyb galaya wafdi uu hogaaminayo ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke iyadoo dhinaca kalana uu ka soo jeedo wafdi uu hogaaminayo Gudoomiyaha Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaca oo lagu magacaabo Macalin Maxamuud Xasan, waxaana heshiiska dhinacyadan ay hada doonayaan in ay ku saxiixdaan magaalada Adis Ababa uu yahay mid ay aad uga warqabaan dalal badan oo Mareykanku uu kamid yahay oo in mudo ah la soo qaban qaabinayay.
Heshiiskan ayaa waxa uu dhigayaa in gabi ahaanba ay isku biiraan labada dhinac taasi oo micnaheedu uu yahay in Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ay si dhab ah ugu biiraan dowladda KMG ee Soomaaliya iyadoo Ciidamada Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaacana ay qeyb ka noqonayaan kuwa dowladda KMG ee Soomaaliya.
Warar sir ah oo ay heshay shabakada hiiraanweyn ayaa waxa ay sheegayaan in heshiiskan uu yahay mid awood qeybsi ah islamarkaana Culumaa’diinka Ahlu Sunna Waljamaaca ay ka heli doonaan ilaa iyo 5-Wasiir oo qaarkood ay yihiin Wasaaradaha Muhiimka ah ee ay leedahay dowladda KMG ee Soomaaliya.
Sidoo kale Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa waxa ay heli doonaan ilaa iyo 3-Safiir, Saraakiil sar sare oo katirsan Booliska, Milatariga iyo Ciidmada nabad sugida ee dowladda KMG Soomaaliya.
Inkastoo hore Saarkiil ka kalatirsan dowladda KMG ee Soomaaliya iyo Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ay gaashaanka u daruureen in uu jiro awood qeybsi labada dhinac ay ku heshiinayaan marka la eego heshiiska ama kulamada uga socda magaalada Adis Ababa ee caasimada wadanka Ethiopia oo maanta la soo gabagabeenayo.
Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa waxaa la sheegay in ay ka tanaasuleen in ay helaan mid kamid ah jagooyinka ugu muhiimsan dowladda KMG ee Soomaaliya iyadoo la sheegay in ay horay u dalbadeen 3-xubin midkood in ay helaan, Madaxweynaha dowladda, Ra’isul Wasaaraha ama Gudoomiyaha Baarlamaanka inkastoo taasi ay ka qanciyeen Saraakiisha dowladda KMG ee Soomaaliya iyo Saraakiil ka socota Midowga Afrika iyo Urur goboleedka Igad.
Heshiiska ayaa sidoo kale labada dhinac waxa ay ku saxiixan doonaan in ay iska kaashaadan dagaalada xiligan ka jira dalka Soomaaliya iyadoo sidoo kale ay iska kaashanayaan dhisida Gole dhexe oo ay yeeshaan Culumada Soomaaliyeed.
Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa waxa ay soo baxeen kadib markii bartamihii sanadii 2008-da ee aynu ka soo gudubnay ay dagaalo kula galeen bartamaha Soomaaliya Ciidamo kala taabacsanaa Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab iyo Ciidamada Ururka Xisbul Islaam.
dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa u muuqata in heshiiskan ay aad u daneynayso maadama gacanteeda hada ay gaarto meel aad u yar marka laga reebo degmooyin ku yaala gobolka Banaadir iyadoo Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaacana ay maamulaan dhul katirsan gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya.
W/D:Max’ed Shuuriye Nuur {Barakaat}
taraabul@hotmail.com
002521-5513132 ama 002521-62295248
wepmesterhiiraanweyn@gmail.com













