Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa waxa uu sheegay in ay wadaan dadaalo ay ku doonayaan in ay ku dhaxdhaxaadiyaan beelaha ku dagaalamaya qeybo kamid ah gobolka Mudug.
Gudoomiye ku xigeen Maamulka Ximan iyo Xeeb C/raxmaan Shaati Cade oo u waramayay shabakada hiiraanweyn ayaa waxa uu ka hadlay dagaal beeleedyada kasoo cusboonaaday deegaanada Bacadweyn iyo Camaara ee gobolka Mudug.
Waxa uu sheegay in ka hor inta aysan bilaaban dagaaladaasi u dhexeeyo labadaasi beelood in Maamulkood ay ku bixiyeen dadaalo iyo dhaqaalo badan oo ku aadan sidii aanay u bilaaban laheyn dagaaladaasi, basle waxa uu sheegay in nasiib daro taasi ay hir gali waysayd.
Waxa uu intaasi ku daray Gudoomiye ku xigeenka Maamulka ximan iyo Xeeb in iminka Ergo ay u direen beelaha ku dagaalamaya deegaanadaasi isagoo rajo ka muujiyay in ay istaagi doonaan dagaaladaasi.
Dhanka kale Gudoomiye ku xigeenka Maamulka ximan iyo Xeeb C/raxmaan Shaati Cade waxa uu sheegay in abaaro baahsan ay ka taagan yihiin deegaanada hoostaga Maamulkooda isagoo sheegay in dadka iyo duunyada ay saameeyeen abaarahaasi islamarkaana dadka xoolaha lahaa ay intooda badan Xoolihii ka dhamaadeen halka kuwa xoolaha u noolyihiina uu sheegay in Xoolahooda ay ku nool yihiin raashin loo soo iibiyo.
Hadalkaani kasoo baxay Gudoomiye ku xigeenka Maamulka ximan iyo Xeeb ayaa waxa uu imaanayaa xili dagaalo u dhexeeya laba beelood ay ka soconayaan degaanada Bacadweyn iyo Camaara ee gobolka Mudug.
W/D:Max’ed Shuuriye Nuur {Barakaat}
taraabul@hotmail.com
002521-5513132 ama 002521-62295248
wepmesterhiiraanweyn@gmail.com













