Qaar ka mid ah dadka gobolka Bari ee Mamulka Puntland oo wax laga xumaado ku tilmaamay dagaaladii maalmihii la soo dhaafay .

Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan Magaalada Boosaaso ee Xarunta gobolka Bari ee Maamulka Puntland ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dagaaladii maalmihii la soo dhafay ay ku dhinteen dadka rayid ee ka dhacay Magaalada Muqdisho.
 
 Dadweynaha ku nool Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa markii ugu waxaa ay ka hadleen dagaalada dib uga cusbonaaday Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho kuwaasi oo sedaxdii Maalin ee la soo dhaafay si xowli ah halkaasi uga dhacayay.
 
 Qaar ka mid ah dadweynaha oo Shabelle ay kula kulantayu Bartamaha Magaalada Boosaaso ayaa  waxaa ay sheegeen in aad ugu xunyihiin dagaaladaasi iyagoo ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya Magaalada Muqdisho in ay dagaalada joojiyaan islamarkaana ay u turaan dadka shacabka ah.
 
Cali xasan oo ka mid ahaa dadkii la hadlay hiiraanweyn ayaa Masuuliyada dadka shacabka ah ee dhimanaya waxaa uu dusha uga tuuray dhinacyada ku hardamaya Magaalada Muqdisho isagoo intaasi ku daray in uu aaminsanyahay in dhibaatada laga bixi karo hadii miiska wadahadalka la fariisto.
 
 Abshir Mire oo isna ka mid ahaa dadkii fakirkooda ka dhiibanayay dagaalada Muqdiosho ee ku sugan Magaalada Boosaaso ayaa ugu baaqay dowladda KMG iyo xoogaga hubaysan in ay ilaaliyaan xaquuqda aadanaha islamarkaana ay dhowraan dhiiga dadka shacabka ah ee ay ku dul dagaalamayaan.
 
 Marka laga soot ago shacabka gobolka Bari waxaa sidoo kale dagaalada Cambaareeyay odayaasha iyo waxgaradka gobolkaasi kuwaasi oo ku baaqay in la ilaaliyo Bulshada Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan kuwaasi oo maalin walba in ka badan 20 ruux ay uga geeriyoonayaan dagaalada.
 
W/D:Max’ed Shuuriye Nuur {Barakaat}
taraabul@hotmail.com
002521-5513132 ama 002521-62295248
wepmesterhiiraanweyn@gmail.com


Leave a Reply

wararka carabiga webkaan kala socon WWW.SOMALINOTE.COM ka baro magacyada  rabi free countersRADIO HIIRAANWEYN
S
S
S
ext