Dhibaatooyinka shacabka Somaliyeed heysta saxaafadu qeyb ma ka tahay?‏

Shacabka somaliyeed waxuu iskugu jiraa 4 nooc.1- shacab ku soo koray kala danbeyn iyo nidaam dowladeed.2- qaar aan waligood arkin nidaam dowladeed iyo kala danbeyn hase yeeshee looga faaideystay dafuuro badan oo ay kala kulmeen colaadahan dabadheeraday.3- Qaar aanba la aqoon halka ay bulashada Somaliyeed kaga jiraan sida iyagoo Ger dheer inta deystay bulshadii ka dhigay dad cawaan ah oo aan wax xaquuq ah ku laheyn dalkooda 4- qeybtaan waa kuwo websideyada wax ku qor qoro ama loogu yeero suxufi USC ama kuwa dagaaladii kedib wariyeyaasha noqday.

Qeybta 1aad

Hadaba marka loo eego shacabka ku soo korey kala danbeyntii iyo nidaamkii dowliga ahaa niyadooda aad ayey u faraxsan tahay maanta oo waliba rajo fiican ayey ka qabaan iney mar kale dib u arkaan Somaliya oo nabad ah oo dadku caasimadii Mogdisho ay dhax mushaaxayaan waliba hadii caasimadu nabad noqoto Somalida hada joogo wey ka jaanis fiican yahiin kuwii hore madama ku dhawaad 2 Million oo Somali ah ay ku nooshahay dibadaha oo intooda badan ay nolosha qurbaha dareemeen iyagoo iskugu jiro qaar xabsiyo ku soo muteystay wadamo badan oo caalamka ka mid ah iyo qaar inta jaanis waxbarasho helay hada diyaar u ah iney dalkooda iskaa wax u qabso ugu shaqeeyaan.marka aad aragto quruxda ka muuqata karoonka Diyaarahada Adan Cade waxaa kuu soo baxeysa sasaan dowladeed. waxaanse aad u farxay markaan maanta ku arkey sawiro laga soo qaaday golaha shacabka oo calankii Somaliyeed mudo 19 sano kedib halkaas laga taago.Waxaa wax lagu farxo ah in dekadii Mogdisho ay howlaheeda si wanaagsan u socdaan arimahaasi oo dhan waxey muujinayaan in walito Somaliya laga badbaadin karo Ihraabiyiinta Shabab iyo Al-qaida oo sidii Xizbul Islaamkii bur buray oo kale la weyn doono meel ay jaan iyo cirib dhigeen oo hada qabiil isku bedelay.

Mid ka mid ah saraakiishii ciidamada xooga dalka Somaliya oo qurbaha ku sugan ayaa laga hayaa inuu yiri hadii dowlada 4 wasiir oo lu gooyey laga qabto ama runta loo sheego iney dowladan wax badan ka qaban doonto caasimada Somaliya. sida wasiirka Arimaha gudaha, w.d gaashaan dhiga, Wasiirka Abniga iyo wasiirka maaliyada. wasiiradaan ayuu sheegay ineysan daacad ka aheyn nidaamka dowliga ah ee dalka ka jiro runtiina tuhun badan ayuu ka muujiyey in ay dowaladan wax badan qaban karto inta ay ragaasi ku jiraan. laakin madaxeynaha iyo reysul wasaaraha ayuu sheegay iney u muuqdaan rag doonayo iney dalka dejiyaan oo shacabka dhibta heysto ka dulqaadaan.Isagoo qibrada uu u leeyahay arimaha ciidanka ka hadlayo waxuu yiri hadii 10 maalmood ay dowladu qaado dagaaladii maalin hore oo kale wey adag tahay si ay kooxahaan ugu dagaalamaan magaalada Mogdisho ayuu yiri, waayo shacbiyad badan ma heystaan oo dadka xoog iyo cabsi ayey taageero kaga helaan hadii ay helayaan dowlad ka badbaadin karto qatartooda wey raacayaan ayuu yiri waxuuna hadlkiisa ku soo gabo gabeeyey dowlad la,aani waa dal la,aan.

qeybta 2aad

Waxaa kale oo jiro qar badan oo iskugu jiro dhalinyaro iyo dad waaweeyn oon waligood arkin nidaam dowladeed oo ka shaqeynayo dalka Somaliya, dhalinyarada maanta Somaliya ka dagaalameyso ma fahamsana waxa ay dowladnimadu tahay waxey ku barbaareen oo kaliya colaado kala duwan ilaa ay qaarkod maanta duufsadaan Ihraabiyiinta Shabab iyo Al-qaida oo dalkeena ku soo duulay, Isla shacabkaas waxaa ka mid ah odoyaal Somaliyeed oo waaweyn oo aan waligood arkin nidaam dowladeed oo iyagu dhulka miyiga ah aan waligood soo dhaafin, waxaana odoyaashaas ka mid ah Ahmed Diiriye Ali oo inta idaacadah Mogdisho yimid 2007kii xiligii ay Ethiopia joogtay yiri wasaarada gaashaandhiga gabadhii ku dhalatay ayaa caawa cunug ku dhashay marka meel ay ugu socoto ma jirto iyo wax la mid ah hadalkaas taariikhdow galay taasina waxey ku tusineysaa sida aysan bulshada hada jirto intooda badan u fahamsaneyn dowladnimadu waxa ay tahay iyo sida uu garaadkoodu u tusinayo in xarumaha dowlada oo la deganaado ay wax lagu faano noqoto.

Qeybta 3aad

Waa qolo dhaqanka Somaliya ku soo siyaadiyey arimo aan dad muslim ah loogu talo galin iney shacabkooda ku sameeyaan kuwaasi waxey wataan magac wadaad iyo mid diin bulshadane iyagaa ugu liito,Ger dheer ayey intey deysteen ayey waxey isku qeybiyeen dhawr kooxood sida iney dadka iyo dalka u soo horseedaan shaqsiyad danbiyo ka soo galay dalalkooda oo Ihraabiyiin ah iyagoo waliba aan itaas shacabka ugu ekeyne gebdhahii Somaliyeed mustaqbalkoodii mugdi galiyey oo rag aysan isku dhaqan aheyn oo mooryaan diineed ah afka u galiyey iyagoo gabdhahaas wiilashii la dhashayne ka dhigay wax ay dilaan, gacmaha ka jaraan, daroogeeyaan, qarxiyaan, waalidkoodne gaaleysiiyaan.Hadaba qeybtaasi waxaa sugayo xisaab weyn mana ii muuqato iney bulshada 50 sano ee soo socoto ku dhex noolaan doonaan waa marka dib loogu laabto qatarta ay wadanka galiyeen.

Qeybta 4aad waxey iskugu jiraan kuwa dalka iyo shacabka dhibta heysta ka damqanayo iyo kuwo waxii ay doonaan qorayo marba hadiiba ay dhaqaalo ku helayaan oon dal iyo dad toona kala jecleyn. Kuwa dalka iyo dadka u naxayo waa tiro yar laakin waxaa ka badan kuwa dhaqaalo ku hela u furtay websideyo iyo idaacado fara badan kuwaasi dhamaantod waa isku qoraal waxkasta oo dalka ka dhacane dhinaca xun oo kaliya ayey ka soo qaataan, taasne waxaan ku macneyn karaa iney uun yahiin dhaliyaro da yar oo sidaas xal mooday.Suxufi waxaa lagu yaqaanaa inuu dalka wanaagiisa iyo horu markiisa ka shaqeyo si dhawrka kun ee macaamiishisa ah ay wax wanaagsan u sameeyaan. Laakinse waxaad arkeysaa suxufi mararka qaarkood madaxweynahii uu dalku lahaa inta waxuu ka sheego waayey xaaskiisa wax ka sheegayo, waxaan xasuustaa mar suxufi war bixin ka soo tabinayey magaalada Mogdisho oo madaxweyne Cabdulaahi Yusuf xaaskiisa wax ka sheegayo oo waliba afkeeda tilmaamayo, runtii aad ayaan u yaabay xiligaas laakin Somaliya ama Mogdisho waxey ka aheyd wax iska caadi ah.suxufigaas hada London ayuu ku nool yahay waliba qaar Somalida ka mid ah waxey leeyahiin waa aqoonyahan iyo wax la mid ah. Waan dareemi karaa oo naf dhan ayaa la goynayaa oo xaas madaxweyne oo wax laga sheego wax micno ah ma sammeyneyso laakin suxufiga waxuu ka mid yahay ama ugu horeeyaa inta isku xirta shacabka.

Isku soo duuboo suxufiga aan maanta dalkiisa qalin iyo af ku difaaci karin koorma ayuu dalka ka nixi doonaa ma marka nabad la helo, ma marka ay Somaliya iyo dowlad kale ku soo duusho, ma marka ay Somaliya qadka dhan ka baxdo oo la waayo calan iyo dal Somaliya la dhaho oo Ihraabiyiintu dalka la wareegaan, mar marka kuwooda dibada jooga wadamada ay joogaan dib u celiyaan oo la dhaho wadankiina naga aada, ma marka suxufiga kala garto qabiilka iyo qaranimada faraqa u dhaxeeya?

I wish in aan maalin uun arko suxufiyiinta Somaliyeed oo u shaqeynayo sida saxaafada caalamka u shaqeyso.Somalidu waa wadanka 1aad marka laga hadlayo dhinaca wax qorida iyo websideyada xitaa dalka Shiinaha oo 2 Billion ku dhaw tirada dadka ku nool wey ka webside badan yahiin, sidaasi ay tahay inta dalka iyo umada wax anfacayo qorta wey yar tahay taasne waxaa ugu wacan dhibta dalka ka jiro oo meelkasta saameyey, waxkastane waxaa aas aas u ah qabiilka oo heerkii ugu xumaa gaaray taas oo yareyneyso in danta guud wax laga qabto.

Hadaba Somaliyey Ihraabiyiinta aanu ka difaacano wadankeena Ihraabiyiinta ka hor ayey Somali muslim ahaayeen marka dhagar qabayaasha waa in dagaal dhinackasta leh lala galo.Hada kuwii qandaraaska WFP ka qaadan jiray oo Shabab ku xirnaa malaayiin Dolar ayaa laga xanibay oo Dubai u tiilay oo baaritaan ayaa ku socda.wadamo badan waxaa dhawaan laga xirayaa Xawaalado hada qaarkood magacyadooda banaanka u soo baxeen sida Olompic oo Hasan Dahir Aweeys maalgalisa iyo Qaran oo Ihraabiyiinta u shaqeysa shaqsigii arintaas maqlayne wuu maqlay kii aan maqlina idaacadaha haka dhageysto bisha inagu soo adan.

Waxaa soo diyaariyey Cilmi kHalif


Leave a Reply

wararka carabiga webkaan kala socon WWW.SOMALINOTE.COM ka baro magacyada  rabi free countersRADIO HIIRAANWEYN
S
S
S
ext