
Afhayeen u hadlay Ciidamada Badda ee wadanka Ruusha ayaa sheegay in taliyayaasha Maraakiibta Dagaalka ee Ruuska iyo kuwa Maraykanka ee ku sugan xeebaha Soomaaliya ay si wadajir ah u wadaan howlgalo ay isaga kaashanayaan la dagaalanka Burcad badeeda Xeebaha Soomaaliya.
Afhayeenkaasi ayaa sheegay in labada taliye ee ciidamada Badda Ruushka iyo Maraykanku ay ku kulmeen Markab dagaal oo ruusku uu leeyahay dushiisa islamarkaana ay ka wada hadleen in ay iska kaashadaan howlaha la dagaalanka burcad badeeda Xeebaha Soomaaliya.
Qaabka ay isaga kaashanayaan ayaa noqonaya sida la sheegay in ay is weydaarsadaan Macluumaad ku saabsan la dagaalanka burcad badeeda Soomaalida.
Arintaani ayaa waxaa ay imaanaysaa xili maalintii shalay ciidamada bada ee dalka Faransiiska ay ilaa 22 qof oo looga shakiyay in ay aheeyeen Burcad badeeda Soomaali ah ay ku wareejiyeen Maamul goboleedka Puntland.
Taliyaha ciidamada Boliiska Magaalada Boosaaso ee Maamul goboleedka Puntland ayaa sheegay in ciidamada Faransiisku ay ku wareejiyeen 22 kaasi qof iyo sawiro kale oo Video ah oo muujinaya ragaasi oo hub wata.
Raga lagu wareejiyay Maamul goboleedka Puntland ayaa waxaa ay sheegeen in ay ahaayeen kaluumaysato islamarkaana aanay ku lug laheyn falalka kooxaha burcad badeeda Xeebaha Soomaaliya.
Hadalkaani ka soo yeeray Afhayeenka Ciidamada Badda ee wadanka Ruushka oo ku aadan in ruushka iyo Maraykanku ay yeelanayaan Iskaashi buuxa oo ay ka yeelanayaan burcad badeeda Soomaalida ayaa imaanaya xili ciidamada Midowga Yurub ee howlgalka ka wada biyaha Soomaaliya ay sheegeen in ay xoojinayaan la dagaalanka burcad badeeda Soomaalida.
Hiiraanweyn Online
W/D:Max’ed Shuuriye Nuur {Barakaat}
taraabul@hotmail.com
002521-5513132 ama 002521-62295248
Wepmesterhiiraanweyn@gmail.com













