Dhibaatooyinka shacabka Somaliyeed heysta saxaafadu qeyb ma ka tahay?‏

Shacabka somaliyeed waxuu iskugu jiraa 4 nooc.1- shacab ku soo koray kala danbeyn iyo nidaam dowladeed.2- qaar aan waligood arkin nidaam dowladeed iyo kala danbeyn hase yeeshee looga faaideystay dafuuro badan oo ay kala kulmeen colaadahan dabadheeraday.3- Qaar aanba la aqoon halka ay bulashada Somaliyeed kaga jiraan sida iyagoo Ger dheer inta deystay bulshadii ka dhigay dad cawaan ah oo aan wax xaquuq ah ku laheyn dalkooda 4- qeybtaan waa kuwo websideyada wax ku qor qoro ama loogu yeero suxufi USC ama kuwa dagaaladii kedib wariyeyaasha noqday.

Qeybta 1aad

Hadaba marka loo eego shacabka ku soo korey kala danbeyntii iyo nidaamkii dowliga ahaa niyadooda aad ayey u faraxsan tahay maanta oo waliba rajo fiican ayey ka qabaan iney mar kale dib u arkaan Somaliya oo nabad ah oo dadku caasimadii Mogdisho ay dhax mushaaxayaan waliba hadii caasimadu nabad noqoto Somalida hada joogo wey ka jaanis fiican yahiin kuwii hore madama ku dhawaad 2 Million oo Somali ah ay ku nooshahay dibadaha oo intooda badan ay nolosha qurbaha dareemeen iyagoo iskugu jiro qaar xabsiyo ku soo muteystay wadamo badan oo caalamka ka mid ah iyo qaar inta jaanis waxbarasho helay hada diyaar u ah iney dalkooda iskaa wax u qabso ugu shaqeeyaan.marka aad aragto quruxda ka muuqata karoonka Diyaarahada Adan Cade waxaa kuu soo baxeysa sasaan dowladeed. waxaanse aad u farxay markaan maanta ku arkey sawiro laga soo qaaday golaha shacabka oo calankii Somaliyeed mudo 19 sano kedib halkaas laga taago.Waxaa wax lagu farxo ah in dekadii Mogdisho ay howlaheeda si wanaagsan u socdaan arimahaasi oo dhan waxey muujinayaan in walito Somaliya laga badbaadin karo Ihraabiyiinta Shabab iyo Al-qaida oo sidii Xizbul Islaamkii bur buray oo kale la weyn doono meel ay jaan iyo cirib dhigeen oo hada qabiil isku bedelay.

Mid ka mid ah saraakiishii ciidamada xooga dalka Somaliya oo qurbaha ku sugan ayaa laga hayaa inuu yiri hadii dowlada 4 wasiir oo lu gooyey laga qabto ama runta loo sheego iney dowladan wax badan ka qaban doonto caasimada Somaliya. sida wasiirka Arimaha gudaha, w.d gaashaan dhiga, Wasiirka Abniga iyo wasiirka maaliyada. wasiiradaan ayuu sheegay ineysan daacad ka aheyn nidaamka dowliga ah ee dalka ka jiro runtiina tuhun badan ayuu ka muujiyey in ay dowaladan wax badan qaban karto inta ay ragaasi ku jiraan. laakin madaxeynaha iyo reysul wasaaraha ayuu sheegay iney u muuqdaan rag doonayo iney dalka dejiyaan oo shacabka dhibta heysto ka dulqaadaan.Isagoo qibrada uu u leeyahay arimaha ciidanka ka hadlayo waxuu yiri hadii 10 maalmood ay dowladu qaado dagaaladii maalin hore oo kale wey adag tahay si ay kooxahaan ugu dagaalamaan magaalada Mogdisho ayuu yiri, waayo shacbiyad badan ma heystaan oo dadka xoog iyo cabsi ayey taageero kaga helaan hadii ay helayaan dowlad ka badbaadin karto qatartooda wey raacayaan ayuu yiri waxuuna hadlkiisa ku soo gabo gabeeyey dowlad la,aani waa dal la,aan.

qeybta 2aad

Waxaa kale oo jiro qar badan oo iskugu jiro dhalinyaro iyo dad waaweeyn oon waligood arkin nidaam dowladeed oo ka shaqeynayo dalka Somaliya, dhalinyarada maanta Somaliya ka dagaalameyso ma fahamsana waxa ay dowladnimadu tahay waxey ku barbaareen oo kaliya colaado kala duwan ilaa ay qaarkod maanta duufsadaan Ihraabiyiinta Shabab iyo Al-qaida oo dalkeena ku soo duulay, Isla shacabkaas waxaa ka mid ah odoyaal Somaliyeed oo waaweyn oo aan waligood arkin nidaam dowladeed oo iyagu dhulka miyiga ah aan waligood soo dhaafin, waxaana odoyaashaas ka mid ah Ahmed Diiriye Ali oo inta idaacadah Mogdisho yimid 2007kii xiligii ay Ethiopia joogtay yiri wasaarada gaashaandhiga gabadhii ku dhalatay ayaa caawa cunug ku dhashay marka meel ay ugu socoto ma jirto iyo wax la mid ah hadalkaas taariikhdow galay taasina waxey ku tusineysaa sida aysan bulshada hada jirto intooda badan u fahamsaneyn dowladnimadu waxa ay tahay iyo sida uu garaadkoodu u tusinayo in xarumaha dowlada oo la deganaado ay wax lagu faano noqoto.

Qeybta 3aad

Waa qolo dhaqanka Somaliya ku soo siyaadiyey arimo aan dad muslim ah loogu talo galin iney shacabkooda ku sameeyaan kuwaasi waxey wataan magac wadaad iyo mid diin bulshadane iyagaa ugu liito,Ger dheer ayey intey deysteen ayey waxey isku qeybiyeen dhawr kooxood sida iney dadka iyo dalka u soo horseedaan shaqsiyad danbiyo ka soo galay dalalkooda oo Ihraabiyiin ah iyagoo waliba aan itaas shacabka ugu ekeyne gebdhahii Somaliyeed mustaqbalkoodii mugdi galiyey oo rag aysan isku dhaqan aheyn oo mooryaan diineed ah afka u galiyey iyagoo gabdhahaas wiilashii la dhashayne ka dhigay wax ay dilaan, gacmaha ka jaraan, daroogeeyaan, qarxiyaan, waalidkoodne gaaleysiiyaan.Hadaba qeybtaasi waxaa sugayo xisaab weyn mana ii muuqato iney bulshada 50 sano ee soo socoto ku dhex noolaan doonaan waa marka dib loogu laabto qatarta ay wadanka galiyeen.

Qeybta 4aad waxey iskugu jiraan kuwa dalka iyo shacabka dhibta heysta ka damqanayo iyo kuwo waxii ay doonaan qorayo marba hadiiba ay dhaqaalo ku helayaan oon dal iyo dad toona kala jecleyn. Kuwa dalka iyo dadka u naxayo waa tiro yar laakin waxaa ka badan kuwa dhaqaalo ku hela u furtay websideyo iyo idaacado fara badan kuwaasi dhamaantod waa isku qoraal waxkasta oo dalka ka dhacane dhinaca xun oo kaliya ayey ka soo qaataan, taasne waxaan ku macneyn karaa iney uun yahiin dhaliyaro da yar oo sidaas xal mooday.Suxufi waxaa lagu yaqaanaa inuu dalka wanaagiisa iyo horu markiisa ka shaqeyo si dhawrka kun ee macaamiishisa ah ay wax wanaagsan u sameeyaan. Laakinse waxaad arkeysaa suxufi mararka qaarkood madaxweynahii uu dalku lahaa inta waxuu ka sheego waayey xaaskiisa wax ka sheegayo, waxaan xasuustaa mar suxufi war bixin ka soo tabinayey magaalada Mogdisho oo madaxweyne Cabdulaahi Yusuf xaaskiisa wax ka sheegayo oo waliba afkeeda tilmaamayo, runtii aad ayaan u yaabay xiligaas laakin Somaliya ama Mogdisho waxey ka aheyd wax iska caadi ah.suxufigaas hada London ayuu ku nool yahay waliba qaar Somalida ka mid ah waxey leeyahiin waa aqoonyahan iyo wax la mid ah. Waan dareemi karaa oo naf dhan ayaa la goynayaa oo xaas madaxweyne oo wax laga sheego wax micno ah ma sammeyneyso laakin suxufiga waxuu ka mid yahay ama ugu horeeyaa inta isku xirta shacabka.

Isku soo duuboo suxufiga aan maanta dalkiisa qalin iyo af ku difaaci karin koorma ayuu dalka ka nixi doonaa ma marka nabad la helo, ma marka ay Somaliya iyo dowlad kale ku soo duusho, ma marka ay Somaliya qadka dhan ka baxdo oo la waayo calan iyo dal Somaliya la dhaho oo Ihraabiyiintu dalka la wareegaan, mar marka kuwooda dibada jooga wadamada ay joogaan dib u celiyaan oo la dhaho wadankiina naga aada, ma marka suxufiga kala garto qabiilka iyo qaranimada faraqa u dhaxeeya?

I wish in aan maalin uun arko suxufiyiinta Somaliyeed oo u shaqeynayo sida saxaafada caalamka u shaqeyso.Somalidu waa wadanka 1aad marka laga hadlayo dhinaca wax qorida iyo websideyada xitaa dalka Shiinaha oo 2 Billion ku dhaw tirada dadka ku nool wey ka webside badan yahiin, sidaasi ay tahay inta dalka iyo umada wax anfacayo qorta wey yar tahay taasne waxaa ugu wacan dhibta dalka ka jiro oo meelkasta saameyey, waxkastane waxaa aas aas u ah qabiilka oo heerkii ugu xumaa gaaray taas oo yareyneyso in danta guud wax laga qabto.

Hadaba Somaliyey Ihraabiyiinta aanu ka difaacano wadankeena Ihraabiyiinta ka hor ayey Somali muslim ahaayeen marka dhagar qabayaasha waa in dagaal dhinackasta leh lala galo.Hada kuwii qandaraaska WFP ka qaadan jiray oo Shabab ku xirnaa malaayiin Dolar ayaa laga xanibay oo Dubai u tiilay oo baaritaan ayaa ku socda.wadamo badan waxaa dhawaan laga xirayaa Xawaalado hada qaarkood magacyadooda banaanka u soo baxeen sida Olompic oo Hasan Dahir Aweeys maalgalisa iyo Qaran oo Ihraabiyiinta u shaqeysa shaqsigii arintaas maqlayne wuu maqlay kii aan maqlina idaacadaha haka dhageysto bisha inagu soo adan.

Waxaa soo diyaariyey Cilmi kHalif


Sifooyinkee lagu xulan jiray saxafiga idaacad ka shaqeynaya

W/Q: Mohamed osman New york
Nairobi, Kenya.
Email.Mnewyorkcx@hotmail.com
“waxaan ugu jecelahay wariye hebel sababtoo ah aad buu u cod macaan yahay, Suurto galna ma ahan in aan dareenkayga meel kale u duwo ilaa uu idleeyo aqriska warbixinta” waa oraahyo aad maqli karto in badan marka laysla soo qaado idaacadaha iyo wariyayaasha ka shaqeeya
Waxaa kaloo iyana suurto gal ah in ay dhegahaagu maqlaan hebel ama heblaayo kuma haboona in ay television ka hadlaan, hebel iyo heblaayo waxaa ay ku fiicnaan lahaayeen wargays in ay ka shaqeeyaan iyo ereyo kale.
Hadaba, maxay tahay qodobada lagu xulan jiray wariyaha idaacada? Suaashaas in badan baan is weydiiyay markii aan arkay qaab xulusho iyo qiimayn la aanta ka jirta shaqada saxaafada. Waxaan la sheekasytay wariyayaal Soomaaliyeed gaar ahaan kuwooda soo shaqeeyay berisamaadkii si aan jawaab ugu helo suaashaan. Jawaabaha aan helay, oo isku dhowaa, ayaa waxay noqdeen sadex qodob kuwaas oo in badan oo ka mida wariyayaasha hore ee soomaaliyeedna lagu xushay berismaadkii xiligii ay shaqo galayeen..
Wariyaha ugu horayn waxaa lagu qaadan jiray in uu ku wanaagsan yahay qoraalka afka Somaaliga iyo isticmaalkiisa.wariyayaashu waxaa laga doonayay in ay garan karaan noocyada weedhaha Soomaliyeed iyo sida ay isu raacaan ficilada, jumladaha iyo meesha ay ku haboon yihiin. Hadaan si kale u dhigo,isticmaalka ereyada la xiriira labka iyo dhediga iyo ereyada muujinaya jamaca iyo kelida ayaa u baahan in si gaara loogu fiirsado.
Tusaale,hadaad qorto weedh loo aqrin karo sidan: “wariyuhu waa in uu afka Soomaaliga si fiican u yaqaanaa”.bal eeg qaladka meesha ka muuqan kara hadaynaan ka taxadarin. Waxaan isticmaalnay weedh u gaara wariyaha labka ah oo keliya, ayadoo laga yaabo in ujeedadeenu ahayd in aan la hadalno dhamaan wariyayaasha isugu jira wiilasha iyo gabdhaha.
Tusaale kale, hadii aad qorto jumlad loo aqrin karo sidan: golaha deegaanka waxay ka shireen sidii wax looga qaban lahaa biyo la’aanta baahsan ee ka jirta magaalada. Waxaan ognahay in Goluhu jamac yahay, balse waxaa lootix geliyaa in uu mid yahay. Waxaa kaloo halkaan aynu ka qaadan karnaa muhiimada ay leedahay sida wariyayaashu ay taf ugu yihiin luuqada soomaaliyeed iyo weliba luuqadaha kale sababtoo ah luuqadahaasi kalena waa u sahay saxfiga.
Sidaasi si lamida ayay saxaafada u ilaalisaa qoraalka luuqadkasta. Hadaanay wariyayaasha Somaalida ilaalin qoraalka iyo micnaha weedha soomaalida waxaa ka dhalan karta in aanay dhagaystayaashu fahmin micnaha qoraalka, isla markaana ka sii jeestaan dhagaysiga warbixintaa ama warkaasba.
Marka xigta,waxaa wariyayaasha idaacada lagu xulan jiray cod idaacadeed soo jiidasho leh. Codka macaan, oo hibo Alle bixiyo ah, oo lagu laray hanaan aqris wanaagsan, ayaa loo arkaa in uu qayb weyn ka qaato tirada dadka ku xirnaan kara idaacada. Sababtoo ah qof kastaa waxaa uu jecel yahay maqalka cod soo jiidasho leh. Waana taas mida keentay in ahmiyad gaara la siiyo in wariyaha ka hadlayaa idaacad lagu imtixaano codka. Waxaan xusuustaa in laba idaacadood oo aan ka soo shaqeeyay, oo kala ahaa Codka Shacabka iyo HornAfrik, markii aan ku biiraayay, layga qaaday imtixaan codka ah.
Waxaa suura gala in aad is weydiiso wariyayaasha aan lahayn cod idaacadeed fursadooda shaqo ee xaga saxaafada waxa ay noqon karto. Waxaa jira qaybaha qoraalka iyo soo saarida barnaamijyada kuwaas oo ay ka faaiidaysan karaan. Waxaana xusid mudan in raadiyow Muqdisho uu lahaa qaybta idaacada, oo agaasime gaara lahayd iyo qaybta SONNA, oo ayaduna agaasime gaara lahayd. Labadaasi qaybood ayaa waxaa ka shaqeyn jiray wariyayaal lagu xushay qaybaha ay ka shaqaynayaan oo kala ahaa codka iyo qoraalka. Imtixaanada la qaadi jirayna waxaa ay hadba ku xirnayd baahida qaybta.
Wariye kastaa waa in uu ku wanaagsan yahay qoraalka sdioo kale. Qoraal wanaagsanaantana waxaa uu ku yimaadaa hibo iyo tababar, laakiin codka macaan waa hibo Alle inkastoo tabar wariyaha loo siin karo hab aqrinta warka iyo barnaamijyada kala duwan. Taas laftigeeda ayaa ahayd in wariyaha loo xulo qaybta uu kaga wanaagsan yahay aqrinta sida warka ama barnaamijka.
Qodobka sadexaad ee lagu xulan karo wariyaha idaacad ka howl gelayaa ayaa waxaa ay tahay aqoonta guud ee uu leeyahay. Waxaana aas aas u ah in uu si fiican u yaqaano taariikhda, arimaha dhaqan dhaqaale, iyo siyaasadeed ee dalkiisa, wadamada deriska iyo caalamka intiisa kale.

Waxaa kaloo iyana muhiima in maanka lagu hayo inta ay la egtahay aqoonta wiilka ama gabadha wariyaha ah taasoo la xiriirta saxaafada ama aqoonta kale .

“Qalabka lagu shaqeeyaa waa
is bedeli karaa,
wariyayaasha xirfadooduna waxay
noqonkartaa mid sare,
laakiin qodobadan waa kuwo negi
sii ahaada mar walba
oo ay jirto xulasho wariye idaacadeed”

Ugu danbayntii, maanta waxaa yar in wariyaha lagu xusho qodobadaa aan soo sheegay. Wariyayaasha qudhooda qaarbay suura gal tahay in aanay ogayn meesha ay kaga fiican yihiin saxaafada. Ogow waa wax kuu wanaagsan hadii aad saxafi tahay in aad garan karto booska saxaafada kaaga banaan. hadii aad noqoto qof aan la socon meesha uu kaga haboon yahay saxaafada, waxaad la mid noqonaysaa cayaartooy weerarka ku wanaagsan oo isku dhibaya difaaca ama mid ku wanaagsan difaaca oo weerarka isku qasbaya. Amaba qof ku wanaagsan heesaha oo isku soo lug gooyay garoonka kubada lagu cayaaro. Cidkastoo xulanaysa ama shaqaalaysiinaysana wariyayaasha waxaa haboon in ay dhinacyadaas wax ka eegaan si loo helo radio tayo leh oo ay dhagaystayaal badani ku xiran yihiin.


Shariif Sheikh Axmed: Sanad kadib ma Madaxwayne mise Maxbuus?!

Cabdulaahi Haduu Ethiobiyaan Keenay, Sheikh Shariif Waxa Uu Bixiyey Dhulkii Somaliyeed”

Sheikh, Macalin, Gudoomiye iyo Madaxwayne waa magacyadda Sheikh Shariif Sheikh Ahmed xilliyo kala duwan loogu yeeri jiray balse hadda darajada ama magaca uu Shariif huwanyahay waa Madaxwayne.

Sanadkii 2003 ayay aheyd markii uu magaciisa soo ifbaxay kadib markii la afduubtay wiil ka mid ah ardaydii uu macalinka u ahaa dekaanka CC ee magaaladda Mogadishu. waxaa xigtay sanadkii 2004 kadib markii loo doortay Godoomiyaha Midowga Maxaakimta Islaamiga.

Sanadkii 2006 ayuu markii uu Sheikh Shariif noqday Hogaamiye Somalida iyo Caalamkaba ka soo muuqday magaciisana uu meel kasta gaaray gaar ahaan Lix bilood oo aysan dadka Koonfurta iyo bartamaha Somalia daga aysan hilmaami doonin, inkastoo aniga shaqsiyan aanan nabadaas arag.

Sheikh Shariif Miskiin Masbuux u ahaa Dowlada Kenya.

Kadib markii firxadkii Midowga Maxaakimta ay Jihada Jubooyinka Somalia ay u soo Qaxeen kadibna Ciidanka Cirka ee US ay Duyuurado ku duqeeyeen ayay Sheikh Sharif iyo qaar ka mid ah Maxaakimtii Islaamiga ay u soo carareen xuduudka dalka Kenya

police-ka dalka Kenya ayaa January 17, 2007 qabtay Shariif Sheikh Ahmed balse ugu danbeentii Hotel 5star ah la dajiyay kadib markii arrinta ay soo fara galisay Safaarada Dowladda US ee magaaladda Nairobi ugu danbeeyntiina Shariif iyo Safiirka Dowladda US ee dalka Kenya Micheal Ranaberger ay kulmeen wixii laga wada hadlayne iyo heshiiska ay gaareena dan Somaliyeen dabcan kuma jirin sida ay arrintu u badantahay. Xilligaas waxaan ku sugnaa Magaaladda Nairobi.

Sheikh Shariif: Jilaa riwaayad Mucaaradnimo!

Kadib markii uu mudo maxbuus ku ahaa dowladda Amerikana ay heshiis hoose ay dabcan la gashay Shariifka ayuu socdaal u aaday dalalka, Yamen, Qatar, Masar iyo dalka Eritrea oo ugu danbeentii xarun uu ka dhigtay balse uu ku caasiyay isagoo ku tilmaamay in aysan dan Somali ah ka shaqeeneen… ugu danbeentiina hadalo badan oo uu reer galbeed iyo warbaahinta uu u shegay shariifka keentay in dalka Eritrea cunaqabateen adag ayaa lagu soo rogay.

Sheikh Shariif inta uusan Noqon Qaxooti iyo Mucaarad jahwareersan waxa uu aha Hogaamiye Somalida iyo Ajinabigaba ay jecelyihiin, xilligii uu Midowga Maxaakimta Madaxda ka ahaa waxa uu ahaa Mas’uul ay dadka jecelyihiin hadalkiisa iyo daacadnimada ka muuqata.

Sheikh shariif waxa uu ku caasiyay dalk Eritrea uu Xarunta ka dhigtay xilligii uu tiiha Mucaaradnimada ku wada jireen saaxiibo badan oo ay ka midyihiin, kuwo dhintay (C/aahi Waayel. Cumar Hashi, Ambassoder Faarah Laqanyo iyo Dr. Qamar), kuwo dhaawac ah (Suleeban Colaa Rooble), kuwo Mucaaraad ku ah ( Sida Hassan Dahir Aweys, Zakaria Haji) iyo kuwo ay dowladda aan taagta bad laheen ay ku wada jiraan(Prof. Ibbi, Shariif Hassan iyo kuwo kalle).

Aniga waxaan aaminsahay Shariif in uusan Mucaaradnimada wax badan ka aqoon sababtoo ah waxa uu la midyahay Zawani oo dalka Somalia marti u ahaa xilligii uu dowladda dalkiisa ka jirtay uu mucaaradka ku ahaa kadibna isku dayay in uu gumeesto, Shariifka waxa uu sabab u aha in cunaqabaten awalba sii qorsheesneed balse sababtiisa iyo hadalo badan oo uu sheegay kadib Eritrean maanta cunaqabateen adag la saaray marka midaas aya tusaale kuugu filan in uusan mucaaradnimada waxba ka aqaan Kenya iyo Ethiopia oo dhul Somaliyeed heesta dulmina ku haya Somalia uu ka dhigtay saaxiibkiisa koowaad, Kenya waxa ay ku xirtay xuduudka dalkeeyga halka Ethiopia ay gumaaday shacabka uu maanta u yahay Madaxwayne.

Sheikh Shariif oo Madaxwayne noqday!

January 31, 2009 sanad ka hor waxa ay aheyd markii Sheikh Shariif loo doortay in uu noqdo Madaxwaynaha badalaya Madaxwayanah xilka isaga tagay ee Abdulaahi Yusuf Ahmed. Sheikh Shariif waxa lagu soo doortay dalka dibadiisa inkastoo dalka Djibouti oo yahay dhul Somaliyeed oo uu gumeestaha dowlad u aqoonsaday balse waa dal nabad ku naaloonaya.

In uu Sheikh Shariif noqdo Madaxwayne dad badi oo aan ka mid ahay waxay la aheyd in dhiibatada ay dhamaan doonto Somalida ay dowlad fiican heli doonaan Ciidanka Ethiopia-na ay dalka isaga bixi doonaan, balse ciidanka Ethiopia meesha way isaga baxeen dalkana sidii hore wuu ka sii daray oo dadki waxa ay marayaan heer ay yiraahdaan Ethiopia ayaa noo rooneed.. Bulshadana waa la gaarsiyay in ay Ethiopian-ka jeclaadaan.

Sheikh Shariif ma ahan shaqsi xambaari kara mas’uuliyada Madaxwaynimo sababtoo ah wax badan siyaasada kama yaqaan, waxa uu ahaa shaqsi ku soo caan baxay kacdoon shacab taasina micnaheeda mahan in uu yahay shaqsi u diyaarsanaa howl sidan oo kalle ah in ay ku soo baxayaan. Madaxwayne Shariif dowladda uu madaxda ka yahay waxa ay ka talisaa dhowr KM.

Shariif ma Madaxwayne mise Maxbuus.?

Madaxwayne Shariif tan iyo xilligii ay ciidanka dalka Kenya gacanta ku soo dhigeen ilaa iyo hadda waa maxbuuux sabab?. Xilligii uu mucaaradka ahaa uuna joogay dalka Eritrea waxa uu aha Maxbuuc balse fursad iyo hadal been ah ayuu kaga soo baxsaday sida uu ka sheegay shir uu la yeeshay Jaaliyada Somaliyeed ee Dalka Mareekanka xilligii uu socdaalka ku marayay dalka US.

Maxbuus Kenyan, US, Eritrea, AMINSOM, Zanawi, African Union, EU iyo shaqsiyaad kalle oo aan ku faahfaahin doono qoraaladeyda kalle balse ugu danbeyn waxa uu ka xoroobay maxbuusnimada Kenya iyo Eritrea sida la aaminsayahay.

Madaxwayne Shariif marka uu garoonka Adan Cadde International Airport ka soo dago, marka u Madaxtooyada u socdana waxa lagu qaadaa Taangi ay ciidamada AMINSON leeyihiin, marka uu shir jaraa’id qabanayo, marka uu qudbad aqrinayo, marka uu Salaada tukanayo ama Dujinayo oo uu Imaanka yahay, marka uu Jiifo iyo xaalad walba oo nolashiisa ah inta uu Somalia joogo AMINSOM ayaa hareeraha ka taagan sida in ay Somalida ka xigaan waxa laga waardiyeenaya waa Madaxwayne… Ilaahan isku dhaarshee ma aqbali laheed haddii aad Madaxwayne tahay in aad sidan ahaato. Soo mahan Maxbuun is mooda Madaxwayne mise aniga ayay ila tahay.

Sanad kadib iyo Madaxwayne Sheikh Shariif.

Tan iyo markii sanad kahor madaxwayne loo doortay Sheikh Shariif Somalia waxa soo gaaray khasaaro kalle oo dheraad ah sababtoo ah Madaxwaynihii ka horeeyay ee Abdulaahi Yusuf xilliga uu Madaxwaynaha ahaa waxa dalka Joogay Ciidan Ethiopian ah oo khasaaro geestay.

Madaxwayne shariif intuu uu madaxwayaha ahaa waxa umadda Somaliyeed ka baxay dad Muhiim u ahaa bulshada kuna dhintay Magaca Dowladda uu Madaxwaynaha ka yahay sida Cumar Xaashi, prof. Abdulaahi Ahmed Adow, Abdulaahi Wayeel iyo Dr Qamar Adan oo dhamaantood ahaa dad muhiim u aha bulshada Somaliyeed… sidoo kalle Dhaqaatiir, arday iyo dad kalle oo muhiima haa taasina waxay ay cadeen u tahay in amaanka wax badan uusan ka qaban dowladda uu madaxda ka yahayne ay tahay dowlad daciif ah.inkastoo Qadarkoodii uu dhamaaday dadkan haddana runtii mar walba waxa kaa saaran mash’uuliyad dadka aad mas’uulka ka tahay.

Madaxwayne Shariif sanadkan iyo inta xilkiisa ka harsan waxaa looga fadhiyaa wax qabad, sababtoo ah waqtigiisa sanadkii hore waxa uu ku dhameestay safar iyo shirar aanan Somalida micno badan ugu fadhisan isagoo haaatan ku maqan shir ooga socda Midwoga Africa magaaladda Adis Aba ee caasimada dalka Ethiopia.

Gunaanad.

Somalia dhibaato 20 sano jirsatay ayaa ka jirta, dowlad kastana waxaa lagu soo dhoodhoobaa dalka dibadiisa, shacabka Somaliyeedna dhibaato waxa ugu filan intii ay 20kii sano ee ugu danbeeyay ay jiraan xilligana waxaa la jooga xilligii dalka dib loo dhisi lahaa, dowlad waarta loo heli lahaa isla markaana qof walba uu mas’uul ooga noqon laha sida nabad lagu heli karo.

Madaxwayne shariif iyo dowladda uu madaxda ka yahay waa in ay la yiraamadan qorshe cad, in ay ka yareeyaan safarada micna darada ah, hadalkada iyo hanjabaada ay ku hayaan mucaaradka shacabkana ay ku waxyeelooyabaan.

Madaxwayne shariif waa Madaxwayne Somaliyeed balse la mid ah madaxwaynaashii Somalia soo maray bur-burkii kadib mana ila ahan in uu qaban karo ka badan inta uu hadda qabtay oo la micna ah in uusan waxba qaban Karin.

Shariif Sheikh Axmed sanad kadib ma Madaxwayne mise Maxbuus?!, haddaba jawaabta su’aashan waxa laga rabaa dadwayanah Somaliyeed.

Mahadsanidiin

Ibraahim Da’ud Abdalle.
Nairobi-Kenya
sayfudiin@gmail.com


wararka carabiga webkaan kala socon WWW.SOMALINOTE.COM ka baro magacyada  rabi free countersRADIO HIIRAANWEYN
S
S
S
ext