xulka juunyarka somaliyeed oo afka ciida u daray xulka juunyarka qaranka kenya

xulka 17jirka somaliyeed ayaa ka badiyay xulka qarnka kenya ciyaar xiiso badney oo ka dhacday wadanka jabuuti isla markaana aya isaga horyimaadeen xulalka juunyarada somaliya iyo kenya ayaa loogu awood sheegtay xulka dalka kenya
ciyaaratan oo aheyd mid aad u xiiso badan ayaa waxaa 3-1 loogu adkaaday xulka juunyarka kenya islamarkaana guul daro adag dhabarka loo saariyay ayadoo ciyaarta ay aad ugu gacan sareeyen xulka soomaaliya ayaa la sheegay in ay heeysteen taagero yaal farabadan o u sacabo tumayay xulka somaliya ciyaarta qebteedii hore ayaa 2 gool lagaga naxsaday xulka kenya taasoo sababtay in ay hami weyn ay u yeeshaan cayaatoydii somaliya qebteedii 2aad ayaa gool kale loo dhiibay xulka kenya laguna sagootiyay cayaartii
tani oo aheyd dharbaaxo kulul oo ay u dhiibeen xulka juunyarka somaliya kan keya ayaa aad ay u soo dhaweeyen bahda isboortiga somaliya iyo taageerayaashooda guushan oo ah mid xulka somaliya u suura galisay in ay lugta 2aad ku cayaaraan magaalada nairobi ee xarunta dalka kenya
c/laahi qorshe
qorshe11@gmail.com
hiiraanweyn.com sports


FAALLO ku saabsan : Dhamaadkii Riyadii Bernabeu

Dhamaadkii Riyadii Bernabea iyo Yurub Kooxda Real Madrid ayaa noqotay mida loogu hadal heynta badanyahay caalamka isboortiga,iyadoona ay tani saameeyn balaaran ku yeelatay Gudoomiyahii sanadka Mr Florantino Perez kaasoo u muuqdo inuu fashilmay ku soo laabashada Sanadkiisa 1-aad Ee Gudoonimada Real Madrid.
 
 
 
Perez waxuu mar kasta eedeymo iyo hadalo hanjabaad ah kala kulmayay Taageerayaasha Real Madrid iyo Warbaahinta Gobolka Catalonia oo ay Barcelona ka dhisantahay,taasoo haatan soo bandhigtay cadeymo sadaalinaya in Gudoomiye Perez oo Koobka Champions League gudoonsiinaya Captain-ka Barcelona Carlos Puyol Garoonka Bernabea dhaxdiisa.
 
Gudoomiye Perez marnaba afkiisa uma kala furin Warbaahinta ka dib  guuldaradii Lyon,iyadoona ay haatan ay jirto la xisaabtan min Gudoomiyye Perez,agaasime Voldano iyo Ciyaartooyda Naadiga xitaa kuwii anfacay sida Ronaldo,Higuin And Cassilas.
 
Haatan Gudoomiye Perez waxaa miiska u saaran qorshe culus oo ka kooban ilaa 3-qorshe sida ay maanta shaacisay Warbaahinta Magaalada Madrid.
 
1: Is badal dhanka maamulka ah.
 
2:Raadin Tababare garanaya wadaooyinka loo maro Koobabaka waa weyn
 
3: Soo iibinta ciyaartooy awooda inay hilmaamsiiyaan murugada haatan ka dhex jirta Kooxda iyo Taageerayaasha hilmaamsiiya.
 
Waxaanu shaki ku jirin in Perez uu muhiimada 1-aad siin doono Raadinta Macalin awood u leh inuu kooxda u qaado Champions League,waxaana liiska ugu horeeya Mourinho Iyo Benitez.
 
Qof kasta wuu ogaa in Real Madrid uusan hogaamin karin Tababare aan wax koob ah ku guuleysan,laakiin taasi waxaa ka madax adeegay Jorge Voladano oo soo xero galiyay Macalin aan qibrad saas u laheyn Koobka Champions League,laakiin taasi haatan ayey cadaatay markii ay Real hartay.
 
Waxaa sidoo kale jiri doono qorshe culus oo ah soo iibsashada Ciyaartooy,sidaas darteed Gudoomiye Perez marnaba dib uma soo celin doono qaladkii uu galay bilowgii Season-kaan markaasoo uu diiday inuu bixiyo 50Million Oo Euro si uu u helo David Villa,isagoona ka door biday Benzema oo haatan ku fashilmay Kooxda.
 
Gudoomiye Perez haatan waxuu heystaa waqti badan oo uu ugu fakiro sidii uu Kooxda Manchester United ugu dhaadhicin lahaa Sidii uu Rooney ugu soo iibsan lahaa,iyadoona la sheegayo in bartilmaameedka 1-aad uu ka dhigan doono Villa iyo Rooney.
 
Perez mar dambe go’aanka 1-aad ama 2-aad ma siin doono Jorge Voldano oo mas’uul ka ahaa soo xera galinta Benzema,isagoona mar kasta sheegayay in Villa iyo Ibrahimovic aysan kooxda u baahneyn,isagoona sidoo kale lagu wado xasuusto markii uu diidayay in Febregas kooxda la keeno.
 
Gudoomiye Perez marnaba kama fakiri doono inuu kooxda keeno Ciyaartooy aan sidaas caan u aheyn sida Hamsik iyo Dzeko,laakiin waxuu bartilmaameed ka dhigan doonaa David Villa,Torres,Aguero,David Silva Iyo Ribery,iyadoona hadalka sirta ee Zidan uu noqon doono Ribery.
 
Marnaba ma la fileyn in Naadiga Real Madrid ay ku hari doonto Wareega 16-aad Tartanka Champions League,iyadoo waliba finalka tartanka lagu qaban doono Garoonkeeda.
 
Ujeedadii Gudoomiye Perez uu suuqa ku galiyay in ka badan 300Million Oo Euro waxey aheyd Tartanka Champions League,laakiin riyadaas waxaa baabi’yay Kooxda Lyon oo in ka yar 60Million galisay suuqa kala iibsiga ciyaartooda Yurub.
 
 Ciyaartooyda Kooxda:
 
Cristiano Ronaldo waxuu kooxda ugu fadhiyaa lacag 80Million ah waana lacagta ugu badanb ee ciyaaryahan lagu iibsaday caalamka.
 
Ronaldo  eed malahan waayo wuu dadaalay,waxuuna kooxda u dhaliyay 7-goal oo Champions League,taasoo ka dhigtay hogaamiyaha Goolahdalinta Tartanka Championbs League.
 
Kaka: waxuu lagu sheegaa inuu ahaa ninkii ka dambeeyay ka haritaankii Real Madrid ee tartanka,waayo ilaa haatan ma uusan soo bandhigin Ciyaarihii loogu bartay Milan markii uu u ciyaari jiray.
 
Higiun: waa xiddig da`yar waxaa lagu sheegaa inuu yahay mid kaliya ee sida rasmiga ah ugu faa’iday Real Madrid,inkastoo uu goolal badan qasaariyay ciyaartyii Lyon,haddane waa gooldhaliyaha dhabta ah Ee Real Madrid.
 
Real Madrid haatan waxey u tartami doontaa  oo qura hal Koob oo ah Horyaalka ah,taasoo uusan Gudoomiye Perez ku fakirin bilowgii Season-kaan.
 
Sawiradaan hoose waxey muujinayaa Ronaldo iyo Higiun oo ka xun guuldaradii Lyon.
 
Ronaldo aya si weyn ugu xanaaqay Higuin intii ay socotay ciyaartii Lyon,iyadoona Huigiun uu labo jeer iska indho tiray Ronaldo oo meel cidle ah taagan,isagoona door biday inuu kubada si gooni ah u farsameysto.
Hiiraanweyn Online bogiisa cayaaraha
 
W/D:Max’ed Shuuriye Nuur {Barakaat}
taraabul@hotmail.com
002521-5513132 ama 002521-62295248
Wepmesterhiiraanweyn@gmail.com


Aabha Xiddiga Man.City qadka dhexe ugu cayuaara ee soomliga ah

Cabdulqaadir Ibraahim cadaay oo ah aabaha dhaley ciyaaryahanka khadka dhexe ee weerarka uga ciyaara naadiga manchester city C/salaan caday ayaa sheegey in ku biiritaankii wiilkiisu ku biirey naadigasi ay wado u noqon doonto dhamaanba ciyaartoyda Soomaliyeed ee ku haminaya in ay mustaqbalka u ciyaaraan kooxaha waaweyn ee qaaradda yurub.
 
Mr. Cadaay oo qadka isgaarsiinta igu waramayey ayaa sharaxay qaabka uu wiilkiisu ugu suurtagashey in Manchester City uu ka mid noqdo, isaga oo yiri. “dhabtii waxaa uu ugu horeyntii ka mid ahaa ciyaartoyda da`yarta koox ka dhisneyd dalka Norway halkaasi oo uu wacdaro ka muujiyey, waxaana isla sanad ka dib u wareegey kooxda Fjellhamar, Oslo, sanadkii 2007 halkaasi oo loo qaatey inuu ka mid noqdo xulka qaranka dalka Norwey ee Juniors-ka”.
 
Cadaay ayaa intaa ku darey in nin u qaabilsanaa  Manchester City soo iibinta ciyaartoyda oo u dhashey dalka Scotland ay ku kulmeen garoon ay xulka qaranka Norwey ku ciyaarayeen kulan,halkaasina uga dhaadhiciyey in ciyaaryahan C/salaan cadaay uu yahay xidig mustaqbal ku leh kubadda cagta uuna ka iibin doono Man.City taas oo aan anigu aqbaley ayuu sii raaciyey.
 
Mar  aan weydiiyey lacagta lagula wareegey xiligaasi waxaa uu yiri waxaa lagu qaatay 50.000 Pound   aniga ayaana wakiil u ahaa oo saxiixay qandaraaskaasi  Manchester City aan la galnay maadaama ay da`diisu aad u yareyd oo 16 jir uu ahaa ayuu yiri.
 
Mar aan weydiiyey ciyaaryahano kale ee uu dhalay oo caan ku noqday kubadda cagta,waxaa uu xusay in markii ugu horeysay wiilkiisa weyn ee Maxamed C/qaadir uu ka ciyaarayey Holand gaar ahaan Feynood laakiin jilibka uu ka dhaawacmay, C/rashiid Cadaay uu ka mid noqdey xulka qaranka somaliya una ciyaaray tartanka bariga iyo bartamaha africa ee ka dhacey dalka Tanzania.sidoo kale C/xakiin Cadaay oo daafac ka ciyaara tartamada jaaliyadaha caan ka noqday iyo sidoo kale wiil kale oo ka ciyaara dalka Finland.
 
Cadaay ayaa xusay in wiilka ka yar C/salaan Cadaay uu todobaadyo ka hor heshiis la galey isla Manchester city kana mid noqdey ciyaartoyda Accademic Manchester City sidoo kalena ay jiraan ciyaartoy aad u da’yar oo uu ka mid yahay wiil 14 jir ah oo uu dhaley ciyaaryahankii horseed Axmed sheegow kaasi oo heshiis 2 sano ah la galay naadiga Wigan iyo dhowr ciyaartoy oo kale oo Soomaali ah.
 
Aad ayaan ugu faraxsanahay guusha weyn ee Soomaalida oo dhan u soo hoyatay ee aan kaligey lahayn ayuu si farxad leh u yiri mar aan weydiiyey sida uu dareenkiisu yahay maadaama wiilashiisu ay magac iyo sumcad u soo hoyeen, isaga oo intaa ku daray in la heli doono ciyaartoy fara badan oo Soomaaliyeed oo gaara heerkaasi mustaqbalka dhow.
 
Hiiraanweyn Online bogiisa cayaaraha
 
W/D:Max’ed Shuuriye Nuur {Barakaat}
taraabul@hotmail.com
002521-5513132 ama 002521-62295248
Wepmesterhiiraanweyn@gmail.com


Garsooreyaasha K/Cagta Soomaaliya Oo Tababar Loo Furay

Iyadoo cayaarta kubada cagtu ay wali tahay tan loogu jecelyahay dalka Soomaaliya ayaa waxaa xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagtu uu hir geliyay tababarkii labaad oo qeyb ka ah barnaamijka loogu magac daray Win in Africa with Africa oo Soomaaliya ay ka hesho FIFA,tababarkaas oo sabtidii ka furmay dalka Jabuuti.
 
Munaasabadii furitaanka tababarkan ayaa waxaa joogay sarkaal sare oo ka socda xafiiska horumarinta FIFA ee magaalada Qaahira Caamir Muxeyb.
 
Inta uu socdo tababarkan oo high level ah ayaa waxaa macalin ka socda FIFA oo lagu magacaabo Joseph Wellington oo u dhashay dalka Ghana uu garsooreyaasha Soomaliyeed siin doonaa casharo ku aadan wax ka ogaashaha qawaaniintii ugu dambeysay ee kusoo kordhay garsoorka kubada cagta aduunka,sida uu munaasabada furitaanka ka sheegay xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cabdi Qani Saciid Carab.
 
Khudbadii uu ka jeediyay furitaankii tababarkan ayaa xoghaye Cabdi Qani waxaa uu ku sheegay in FIFA ay tixgelin gaar ahaaneed siisay Soomaaliya maadaama tababarkan oo xiriirada loogu qabto dalalkooda Soomaaliya loogu qabanayo dalka dibadiisa, iyadoo sababtuna ay tahay ka go`naanshaha ay FIFA ka go`an tahay in ay horumariso kubada cagta dalka Soomaaliya xitaa iyadoo dalka aanay nabadi ka jirin.
 
“iyadoo aan loo eegeynin xaaladaha adag ee Soomaaliya ku sugan tahay, wali kama aanan niyad jebin in aanu horay u suocono,maantana waxaanu halkan ku heynaa garsooreyaal gabdho ah,iyadoo taariikhda kubada cagta Soomaaliya aanay horay u dhicin gabdho in loo diro tababarkan oo kale oo heer caalami ah”ayuu yiri  xoghayaha guud ee kubada cagta Soomaaliya.
 
Tababarkan heerka caalami ah ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee ceynkiisa ah oo loo qabto Soomaaliya oo tiro intaa la eg ay dalka dibadiisa kaga qeyb galaan,waxaana la filayaa in uu keeno is badal weyn marka loo eego sare u qaadida aqoonta garsooreyaasha Soomaaliyeed oo ka shaqeynaya dal ay dhibaatooyin halakeeyeen.
 
Hiiraanweyn Online bogiisa cayaaraha
 
W/D:Max’ed Shuuriye Nuur {Barakaat}
taraabul@hotmail.com
002521-5513132 ama 002521-62295248
Wepmesterhiiraanweyn@gmail.com


Aadan xaaji yabaroow Wish gudoomiyaha olompikada soomaaliyeed

Djibouti:Garsoore Xasan Wiish ayaa waxaa uu qalabka gasooreyaashu ku shaqeeyaan guddoonsiiyay 25 ka mida garsooreyaasha kubada cagta Soomaaliyeed oo iminka tababar ku qaadanaya dalka Jabuuti.
Munaasabada guddoonsiinta qalabka oo ka dhacday hotel-ka Imperial ayaa waxaa goob joog ka ahaa masuuliyiin ka tirsan xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta,waxaana garsooreyaashu ay aad ugu mahadceliyeen garsoorahan Soomaaliyeed ee is xilqaamida sameeyay.
 
Garsoore Xasan Wiish oo munaasabada guddoonsiinta qalbkaas ka hadlay ayaa sheegay in ujeedada ugu weyn ee uu u yimid ay ahayd in uu barto garsooreyaasaha ka shaqeeya dalka gudihiisa oo xaaladaha adag u dhabar adeyga si kadibna loo sameeyo iskaashi iyo wada shaqeyn balaaran oo dhex mara garsooreyaasha kubada cagta Soomaaliyeed ee ku kala sugan gudaha iyo dalka dibadiisa.
 
“Waxaa muhiim ah in aanu yeelano wada shaqeyn kuna hadalno hal cod oo qura,markaas awoodeena iyo  wax wada qabsigeenu horay ayay u kacayaan laakin haddii aanan isla socon wax kasta way kala dhantaalmayaan”ayuu garsoore Xasan Wiish ka sheegay munaasabadii uu qalabka ku guddoonsiinayay garsooreyaasha Soomaaliyeed.
 
Horaantii sanadkii lasoo dhaafay ayay ahayd markii garsoore Xasan Wiish uu kulan qado sharaf ah garsooreyaasha Soomaaliyeed ugu sameeyay hotelka naasahablood ee magaalada Muqdisho iyadoo kadibna dadaalkiisa uu ka bilaabay sameynta iyo maalgelinta webka ku hadla codka garsoorayaasha cayaaraha kala duwan ee Soomaaliyeed ee www.somalirefferee.com , iyadoo hadafka garsoore Wiish uu yahay in uu ku guuleysto sidii loo sameyn lahaa dalad ay ku mideysan yihiin dhamaan garsooreyaasha cayaaraha kala duwan ee Soomaaliyeed.
 
Hiiraanweyn Online bogiisa cayaaraha
 
W/D:Max’ed Shuuriye Nuur {Barakaat}
taraabul@hotmail.com
002521-5513132 ama 002521-62295248
Wepmesterhiiraanweyn@gmail.com


Darbaweeyne oo sheegay in uu tartamayo xilka gudoonka

MUQDISHO: Muxiyadiin Xasan Cali [Darboweyne] ayaa maanta wuxuu shaaca ka qaaday inuu ka mid yahay Musharaxiinta xilka guddoonka xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed.
 
Darboweyne ayaa wuxuu sheegay inuu ku kalsoon yahay kooxaha kubadda cagta  isagoo tibaaxay in uu la socda kooxaha dhabta ah iyo kuwa been abuurka ah intaas ka dib wuxuu mid mid u magacaabay kooxaha kubadda cagta iyo magacyada cidda iska leh milkiyadda kooxda .
 
Muxiyadiin Darboweyne oo ka mid ah rugcadayaasha kubadda cagta Soomaaliya islamarkaana  hore  u ahaa guddoomiyahii XSKC ee lagu doortay gobolka Bay magaaladiisa Baydhabo  xilli ay ku tartamayeen guddoonka  Bashiir Goobe , ayaa waxaa markii danbe muuqatay in xilkaasi laga xayuubiyay isagoo arintaasna ku macneeyay shirqool loo maleegay oo ay ka danbeeyeen mas`uuliyiin ka tirsan FIFA, iyadoo dhinaca kalena ay madaxda xiriirka  ay isaga ku eedeeyeen inuu ku fashilmay hogaaminta ka gadaal markii ay tibaaxeen inuu lunsaday dhaqaale FIFA ugu talagashay xiriirka.
 
Si kasta Musharaxa haatan Muxiyadiin Darboweyne ayaa wuxuu noqonaya musharaxii ugu horeeyay ee si cad u shaaciya inuu diyaar u yahay inuu ka qeybgalo doorashada guddoonka XSKC.
 
 
Hiiraanweyn Online bogiisa cayaaraha
 
W/D:Max’ed Shuuriye Nuur {Barakaat}
taraabul@hotmail.com
002521-5513132 ama 002521-62295248
Wepmesterhiiraanweyn@gmail.com


Xiriirka k/cakta aduunka FIFA ayaa xalay ku dhawaaqay isku aadka xulalka ka qeybgalaya Koobka Aduunka

Tags: , , , , , , , , , , , , , , , , , , , , , , , ,


wararka carabiga webkaan kala socon WWW.SOMALINOTE.COM ka baro magacyada  rabi free countersRADIO HIIRAANWEYN
S
S
S
ext