Ciidamada Kenya oo Xadka Mandheere iyo Balad Xaawo ku xirey dad Somali ah.

 

Ciidamada dalka Kenya ee ku sugan Xuduuda kala qeybisa degmooyinka Mandheera iyo Balad Xaawo ayaa inta badan waxaa ay cadaadis saareen maalmihii ugu dambeeysay dadka isaga kala gudbo xuduudka u dhaxeeya degmooyinka mataanaha ah.

Shalay iyo maanta ayaa waxa lagu soo waramayaa in ay qabteen dad kor u dhaafay 30-qof  kuwaasi oo ay qaarkood siidaayeen ciidamada kadib markii ay bixiyeen lacago madax furasho ah.

Ciidamada ayaa dadkii ay qab qabtaan waxaa ay weydiinayaan su’aalo la xiriira in ay ka yimaadeen meelo ka baxsan degmada Balad xaawo iyo sidoo kale in looga shakiyay inay ku jiraan dhinacyada ka soo horjeed dowladda KMG ee Xarakada Al Shabaab.

Dhinaca kale dhalinyarada ku nool degmada Mandheera ee dalka Kenya ayaa waxaa ay sheegeen in ay dhib ku qabaan ciidamada iyagoo sheegay in ay waydiiyaan su’aal farabadan taasi oo ah halka ay ka yimaadeen, iyadoo degmooyinka Mandheera iyo Balaxaawo ay aad ugu mashquul sanyihiin udiyaar garowga dhinaca ciidda madaama bisha barakyasan ee Ramadaan ay gabo gabo tahay.

hiiraanweyn online

xafiiska wararka ee baladxawo


Dowlada dalka kenya oo 7 burcadbadeed Soomaali ah ku xakuntay min 5-sano oo xarig.

 

 

Dowladda Kenya ayaa dhalinyaro Soomaali ah oo lagu eedeeyay in ay ka tirsanyihiin burcadbadeeda Soomaalida waxaa ay ku xukuntay min shansono oo xairg ah.

Maxakamad sare oo ku taala magaalada Mombaasa ee dalka Kenya ayaa waxaa ay ilaa iyo min shansano oo xarig ah ku xukantay 7-ka mid ah burcadbadeeda Soomaalid a oo  mudo xabsi ugu jiray dalkaasi Kenya islamarkaana loo heeystay dambiyo kala duwan oo ku aadan weerar ay ku qaadeen Maraakiib ka mid ah maraakiibta shisheeye ee ku safarta biyaha gacanka cadmeed iyo xeebaha dalka Soomaaliya.

Kooxahan burcadbadeeda Soomaalida ah oo ka mid ahaa kooxo horey maxkamadas   iyo maxkamado kale oo ku yaala dalka Kenya xukuno kala duwan ugu riday ayaa la sheegay in loo heeysto in ay weerar ku qaadeen markab laga leeyahay dalka Jarmani oo lagu magacaabo MB Spert kaasoo la sheegay in ay ku weerareen hubka culus iyo waliba kan fudud, waxaana la sheegay in burcadbadeeda Soomaalida ay qal qalgaliyeen shaqaalihii markabkaasi saarnaa.

Maxkamada dacwadeeda waxaa ay socotay mudooyinkii lasoo dhaafay, iyadoo qareen u doodayay kooxaha burcadbadeeda Soomaalida iyo qareenada kalaba ugu dambeyntii ay isku  afgarteen in Xukun lagu rido kooxaha  burcadbadeeda Soomaalida islamarkaana xabsiga ay ku jiraan ilaa mudo 5-sano ah.

Mid ka mid ah kooxaha burcadbadeeda Soomaalida ee xukunka lagu riday oo lagu magacaabo Max’ed Axmed ayaa waxaa uu qirtay in dambigaasi ay galeen  islmarkaana uu sheegay in ay eheladiisa ku sugayaan dalka Soomaaliya uuna codsaday in loofidiyo cafis.

Qareenka u doodayay kooxaha burcadbadeeda ayaa ku guulaysan waayay in uu difaaco 7-ruux ee burcadbadeeda kadib markii uu u keeni wayay cudurdaar ah in uu ka badbaadiyo maxkamadaasi.

Sidoo kale mas’uuliyiin ka mid ah madaxda sar sare ee dalka Kenya ayaa waxaa ay ka hadleen goobta xukunka uu ka dhacay, waxaana ay sheegeen in Xabsiga lagu magacaabo Shiimootawa oo ay mudo ku xirnaayeen kooxaahaan xukunka lagu riday uu cashir u yahay burcadabadeeda kale ee Soomaalida islamarkaana fariin uu u dirayo in ay baajiyaan weerarada ka dhanka ah ee Marakiibta shisheeye.

Ugu dambeyntii Aleksaandaro Mutadi oo ah madaxa maxkamadda ayaa ku dhawaaqay xukunka, waxaana u sheegay in min shanso oo xariga ah ay ku xakumanyihiin kooxaha burcad badeeda Soomaalida

hiiraanweyn online

xafiiska warqabadka dalka kenya

happy bashiir aadam

happy_kismayo@hotmail.com 


sheekh axmad maxamad islaam oo loyaqano axamad madobe oo kusugan dalka Ethopia

 

 Warar aan kaheleyno  ilawaredyo xaqiijinaya in Sheekh Axmed Maxamed Islaam uu jooga dalka Ethiopia.

Lama oga sababta rasmiga ah ee uu Sheekh Axmed halkaasi u gaaray, laakiin warar ayaa sheegaya in tagitaankiisa halkaasi ay ka shaqaysay jabhadii dhawaan hubka dhigtey ee UWSLF, waxaana la hadal hayaa iskaashi dhexmara isaga iyo dowlada Ethiopia.

Sheekh Axmed Maxamed Islaam waxa uu madax ka yahay xarakada hubeysan ee Raaskaanbooni oo dagaalo kula jirta xarakada Alshabaab gobolada Jubooyinka.

Waxaa la filayaa in uu taageero militari weeydiisto xukuumada Ethiopia, xili garabyada kale ee ku hardamaya gacan ku heynta gobolka ay taageero ka helayaan dowlado daris ah iyo kuwa kalaba.

Xarakada Alshabaab ayaa taageero hub dhawaan ka heshey dalka Eritrea iyadoo dayuurad hub sidey ay maalmo uun ka hor soo cago dhigatay Kismaayo, garab kale oo Dooloow ku sugan oo uu hogaamiyo Barre Hiiraale ayaa iyana taageero ka hela Ethiopia, halka ciidamo 2 kun gaaraya ay ku xaraysanyihiin dalka Kenya kuwaasoo uu hogaaminao Maxamed Cabdi Gaandi waxayna ku wajahanyihiin Jubooyinka.

Sheekh Axmed Madoobe ayaa Ethiopia ku xirnaa mudo 2 sana ah  balse sanadkii tagay ayaa xabsigaasi laga soo siidaayay kadib markii la howlgaliyey dublamaasiyad ay ka shaqaysay DKMG ah ee uu Shariifka Hogaaminayo.

hiiraanweyn online

xafiiska wararka ee kismaayo

happyyare1@gmail.com

 


Sharma’arke iyo masuuliyiin ka tirsan Beesha Caalamka oo ku kulmay Kenya.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumada kMG Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa galabta Magaalada Nairobi ee Xarunta wadanka Kenya waxaa uu kulamo kula qaatay masuuliyiin ka tirsan beesha Caalamka iyo Madaxda laamaha hay’adaha Qaramada Midoobay ay ku leeyihiin Magaaladaasi.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa la sheegay in Ra’iisul wasaaraha Xukuumada KMG Soomaaliya uu beesha Caalamka kaga codsaday in Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya ay ka dhaadhiciyaan Dastuurka Cusub ee Soomaaliya si meesha looga saaro Xaaladda kumeel gaarka ah ee haatan uu dalku ku jiro.

Masuuliyiinta kulanka ka qeyb gashay ayaa iyana dhankooda waxaa ay sheegeen in marka hore xooga ay saarayaan sidii ay meesha uga saari lahaayeen khilaafka ka dhex jira madaxda dowladda ee ku aadan dastuurka Cusub ee Soomaaliya.

Ka hor inta uusan Shalay tagin Magaalada Nairobi Ra’iisul wasaaraha Xukuumada kMG Soomaaliya ayaa waxaa la qorsheynayay in halkaasi ay ka dhacdo Xaflad balaaran oo lagu soo bandhigayo qoraalka qabyada ah ee dastuurka Cusub hase ahaatee waxaa Xafladaasi dib loo dhigay Markii Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya uu sheegay in loo baahanyahay in xiligaan laga fiirsado dastuur loo sameeyo Soomaaliya.

Wararka aan ka helayno Magaalada Nairobi ee Xarunta wadanka Kenya ayaa sheegay in Haatan la qorsheynayo Xaflad balaaran oo lagu soo bandhigayo Dastuurka Cusub hadii uu ogolaado Madaxweynaha dowladda kMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

hiiraanweyn online

xafiiska warqabadka ee dalka kenya

c/rahman bashiir adam
Email:happy_kismayo@hotmail.com


Ansixinta Dastuurka Qabyada & Dhammaadka Muddada Kala Guurka ah Waxaa Go’aan ka Gaari kara Hey’adaha KMG ah oo Wada Jira

(Muqdisho, Soomaaliya September 4, 2010, Madaxweyne Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa maanta ka hadlay Dastuurka qabyada ah ee uu soo bandhigay Guddiga Federaalka Dastuuriga ah ee Madaxabannaan.

Madaxweynuhu, war-murtiyeed uu siiyey warbahinta, wax uu ku yiri, “Dastuur cusub oo Soomaaliya loo sameeyo waa howl qaran oo ahmiyad gaar ah leh, muggeeduna ballaaran yahay, taas oo ay tahay in uu ahaado hab cad oo aan daldaloollo lahayn islamarkaana ku fadhiya sharciyad iyo qaneeco shacab.”

Madaxweyne Sheekh Shariif waxaa kale oo uu tilmaamay “Si loo helo dastuur dhab ahaan ay Soomaali leedahay, waa in qoraalka qabyada ah uu noqdo mid ay ka dhex muuqato yididiilada iyo danaha shacabka Soomaaliyeed, taasina waxaa lagu gaari karaa ka qeyb-gal dadweyne oo aad u ballaaran.”

Madaxweynuhu isagoo aqoonsan dadaalka iyo howsha culus ee uu Guddiga Federaalka Dastuuriga ah ee Madaxbannaan qabtay, wuxuu yiri “ annagoo og in dastuurkan qabyada ah uu yahay mid sii wanaajinaya Axdigii KMG ahaa, haddana wuxuu u baahan yahay hufid iyo wax ku darid ka yimaada muwaadiniinta Soomaaliyeed, khubarada sharciga, culumada diinta iyo xubnaha baarlamaanka si loo xaqiijiyo inuu ka tujumayo danta iyo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed”.

Isagoo arrintan ka hadlaya, Madaxweynuhu wuxuu soojeediyaya in la sameeyo Guddi Qaran Oo Talo Bixin oo ka kooban Xubnaha Baarlamaanka, khubaro sharci, khubarada dhaqan iyo shacab weynaha.

“Naf-huriddii iyo dhiiggii wasiirrada, xubnihii Baarlamaanka iyo dhiigga hadda daadanaya ee shacabkeenna iyo askarteenna ayaa nagu khasbaya in aan dalbanno Dastuur dhammeystiran oo aan ceeb lahayn oo ah mid Soomaalida ka yimid oo danahooda ku qotoma.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Dhanka kale, Madaxweynuhu isaga oo ishaaraya qaabka loo wejihi karo samaynta dastuur cusub iyo ansixintiisaba waxa uu yiri, “Dastuur si uu ku noqdo dastuur Qaran, waa in uu helaa afti dadweyne, waana taa midda laga doonayo xukuumadda in ay waqtigeeda isugu geyso sidii lagu gaari lahaa, furuhuna waa in amniga la sugo.”

“Haddii taa ay ka hor yimaadaan caqabado waa weyn oo laga garaabi karo, waxaa xusid mudan in waxa hadda ay Soomaali haysato — oo afti dadweyne lagu ansixiyey — uu yahay Dastuurkii 1960-kii, Haddaba, iyada oo baarlamaanka hadda jira ay adeegsanayaan awoodda uu siiyey Axdiga KMG, ayay Dastuurkii 60-kii ku dari karaan qodobada ka dhammin sida ku dhaqanka shareecada Islaamka iyo habka maamulka Federaalka ah – go’aankase waa mid baarlamaanka u yaal.” Ayuu hadalkiisa ku daray Madaxweyne Sheekh Shariif.

Ugu danbayntii, Madaxweynuhu, isaga oo ka hadlaya, habka ansixinta dastuurka cusub iyo sidii horey loogu sii socon lahaa marka uu dhamaado waqtiga DFKM ah — oo ku eg bisha Ogosto 2011 — waxa uu hoosta ka xarriiqay, “Dowldda Fadaraalka Ku-meel gaarka, oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha, Baarlamaanka iyo Golaha Wasiirada — in aanay weli si rasmi go’aan uga gaarin habka iyo qaabka dastuurka cusub loo ansixin doono – taas oo markii la dhameeyo qoraal Madaxweynaha lagu shaacin doono.”

Sida ku cad Dastuurkii 60-kii iyo Axdiga KMG ah, hay’adaha dastuuriga ah, gaar ahaan xukuumadda ayaa laga rabaa in ay soo bandhigaan qorshe hawleed, baarlamaanka ayaana sharciyad u haysta in ay sharci ka soo saaraan qaabka dastuurka loo ansixinayo iyo dhammaadka xilliga kala guurka, shuruucdaas oo dhaqan galaya markii uu Madaxweynuhu saxiixo.”
hiiraanweyn online

La xiriir: media@presidency.gov.so
media@sompresidency.org


Bisha Soonka: Hadiyadaha Ramadaanka uu inoo wado:

 Ramadanka waa bil ka mid ah 12 ka bilood ee uu ka koobanyahay sanadka hijriga, sidaa darteed waxa uu Alle inagu waajibiyay in aan maalinkii soon xirano habeenkina cibaadaysano.

Hadaba waa maxay faa’idada ku jirto in la soomo? Maxuuse Alle inoo ballan qaaday? Waa maxay hadiyadaha bishan barakaysan la socdo?
 
Nabiga (csw) waxa uu yiri: ” habeenka ugu horreeyo bisha barakaysan ee Ramadaan, waxaa la xirxiraa shayaadiinta iyo jinka kuwa madaxa adag, waxaa kaloo la xiraa albaabada naarta lamana furo albaab ka mid ah, waxaa la furaa albaabada jannada lamina xiro albaab kamid ah, waxaa dhawaaqa mid dhawaaqa oo yiraahda (kan khayrka doonayow soo qaabil, kan sharta doonayow gaabso) Alle waxuu leeyahay kuwo naarta laga xoreeyo bishaas”.
 
Nabiga (csw) waxa uu yiri: “bil baa idin timid waxaana ku jira habeen ka khayr badan 1000 bilood, qofkii laga xarrimo khayrkeeda waxaa laga xarimay khayr oo idil, lagamana xarimo khayrkeeda qof iska xarimay mooyee”.
 
Nabiga (csw) waxa uu yiri: ” camal walba oo uu qabto bin aadamka waa loo laba jibaaraa, halkii wanaag ee uu sameeyo toban baa loogu jibaaraa ilaa 700 laga gaarsiyo, balse Alle (swt) waxa uu yiri: “Soonka aniga ayaa leh, aniga ayaana bixinaya ajirkiisa, waxa uu jeclaa iyo cunada waxa uu uga tagay aniga dartayda” qofka sooman waxa uu leeyahay labo farxadood, farxadna waa marka uu afurayo, farxadna waa marka uu la kulmo Rabbi (swt), qofka sooman afkiisa waxa ka soo go’a oo isbadalka ku yimaada waxa uu Alle aktii ka caraf badan yahay miskiga” waa cadar udgoon badan.
 
Nabiga (csw) waxa uu yiri: ” Soonka iyo Qur’aanka waxa ay u shafeecayaan maalinka qiyaamaha adoonka, Soonka waxa uu dhahayaa: Rabiyow waxa aan u diiday cunnada iyo shahawdiisaba maanta iigu shafeec, Qur’aankana waxa uu dhahayaa: Rabbiyow waxa aan u diiday in uu seexdo habeenkii ee Allow maanta iigu shafeec, waxa uu yiri: way shafeecayaan”.
 
Nabiga (csw) waxa uu yiri: Jannada waxaa ku yaal albaab la yiraahdo (RAYAAN) waxaa ka gala dadka sooma, haday ka galaan waa la xiraa qof aan iyaga ahayn kama galayo”.
 
Naiga (csw) waxa uu yiri: ” ummadayda waxaa la siiyay soonka 5 arimood oo aan la siin ummadihii ka horreeyay, #: habeenka ugu horeeyo ee bisha Ramadaan Alle waxa uu soo eegaa xagooda, qofkuu Alle soo eegana ma cadaabo, # qofka sooman afkiisa waxa saran ama ka soo shiiraya waxa ay Alle aktiisa ka caraf badanyihiin miskiga, # Malaa’ikta ayaa dani dhaaf u waydisa habeen iyo maalin # Alle (swt) waxa uu la hadlayaa jannadiisa oo ku dhahayaa: “is diyaari oo isu qurxi adoomadayda, waxa ay ku dhawyihiin in ay ka nastaan daalka aduunyada oo ay ku nastaan daartaydaan iyo karaamadayda, # Habeenka ugu danbeeya ee Ramadaanka Alle wuu u danbi dhaafaa dhamaan, ninbaa waxa uu yiri: rasuulkii Allow (csw) ma laylatul qadriga baa habeenkaas? Waxa uu ku jawaabay rasuulka (csw): may, balse sooma arakin shaqaalaha in ay shaqaynayaan marka ay shaqadooda dhamaystaan in la siyo mushaarkooda”.
 
W/D: Yuusuf Ibraahim (Be patient)
E-mail: Danjire00@hotmail.com 
Johannesburg, South Africa

wadooyinka Gobalka hiiraan oo dayac tir laga bilaabaya

 Kulan xasasi ah oo ay yeesheen Gudiga Gaadiidleyda gobolka Hiiraan ayaa isku gartay in dhismo degdeg lagu sameeyo wadooyinka aadka u burburay ee gobolka gaar ahaan magaalada madaxda gobolkaasi ee Baladweyne.

waxa ayna sheegeen in dhawaan ay si degdeg ah u bilaabi doonaan gudidaasi in dayactir ay ku sameeyaan wadooyinkaasi oo inta badan dadka Gaadiidka ay ku waxyeeloobaan xiliyada roobka ay ka da’aan guud ahana goboladaasi oo xiligaan oo kale ku beegan.

Sidoo kale, Talaabadan ayaa noqon doonta hadii ay suurta gasho mi wax badan ka tari doontaa shilalka soo noqnoqday ee qasaaraha dhimasho iyo dhaawac mar walba ka dhalanaya ee ka dhaca guud ahaan gobolka ayadoona dhaqaala aruurin durba laga bilaabay gobolka si loo bilaabo dayactirka.

Guddiga gaadiidleyda ayaa ku baaqay in gacan laga geesto qorshahan la doonayo in wadooyinka dib loogu dhiso ayagoona halkaasi ay ka sameeyeeyay Sanduuq dhaqaala aruurin ah oo dhamaan wadayaasha iyo gawaarida ay ku soo ridaan lacagihi lagu sameyn lahaa wadooyinkaasi.

Dadka deegaanka oo iskaashada ayaa la sheegayaa in Horey ay guuleysteen qorsho noocan oo kala ah kaa oo la doonayay in wax looga qabto burburka wadooyinka ee magaalada B/weyn iyo guud ahaan gobalka Hiiraan oo markii danbe guul ku soo idlaaday.

Ugu danbeyntii kulankaasi oo ay ka qeyb ahaayeen Culumada deegaanka ayaa ugu danbeyntii waxa ay soo saareen baaq ay ku codsanayaan in wax loo qabto dadka xiligaan ku dhiban gudaha gobolkaasi maadaama lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan si ajar looga helo dadkaasi gaar ahaan dadka barakacayaasha ah ee ku dhaqan daafaha magaalada Baladweyn ee xiligaan ay bilaawdeen roobab ma higaan.


Xulalka Soomaaliya iyo Sudan oo kulankoodii Shalay barbaro ku dhamaaday

Tartankii CeCAFA Tournament 2010 Asmara oo Daraad ka bilaabmay Dalka Eriteria ayaa waxaa Shalay isku arkey xulalka Soomaaliya iyo Sudan ee da’doodu ka hooseyso 21-ka sano.

Ciyaartan oo xiiso badan laheyd ayaa waxa uu xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 21-ka sano ayaa waxa ay soo bandhigeen ciyaar ay ka muuqato farsamo aad u heersareysa, waxayna ciyaartan ku soo gabagabowdey barbaro 0-0 ah. xiiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed ayaa ballanqaad fiican u sameeyay ciyaartoyda xulka qaranka kubadda Cagta Soomaaliya ee da’doodu ay ka hooseyso 21-ka sano haddii ay natiijo wax ku ool ah ka keenaan koobkan.

Ciyaartan oo ahayd mid labada xul ay ku soo bandhigeen ciyaar wanaag iyadoo midba midka kale uu doonayay in ay kaga horumaraan goolka weerar iiyo weerar celis ayaa labada xul ee Soomaaliya iyo Sudan waxaa u suurta galliweysey in ay wax gool ah iska dhaliyaan.

Dhinaca kale Xulka ka yar 17-sano ee Qaranka soomaaliya ayaa haatan ku jira diyaargarowkii ugu dmabeeyay,iyadoona la filayo inuu dhawaan ka ambabaxaan dalka,iyagoona u safri doono dlaka Masar oo dhigooda uu xulka dalkaasi kula ciyaari doono Magaalada Qaahira kulan ka tirsan isreeb reebka xulalka 17-sani jirada Qaarada Afrika.

Hiiraanweyn.com

khartoum – sudan


Boqolaal arday soomaaliyeed oo ka qalin jebisay Dalka suudaan

Boqolaal arday soomaaliyeed oo ka qalin jebisay  Dalka suudaan

Xaflad si weyn loo soo agaasimey ayaa waxa ay ka dhacday dalka Sudan caasimadiisa Khartoum gaar ahaan hoolka weyn ee shirarka  laguna magacaabo National Ribat Hall.

Xafladan oo aheyd mid lagu dabaal dagaya sidoo kalana lagu gudoonsiinaayey arday soomaaliyeed ee ka qalin jabisay jaamacada sudan shahaadooyin oo tiradoodu ahayd boqolaal arday, kana qalin jabiyay dhamaan taqasusyadada kala duwan ee laga barto jaaamacadaha dalkan walaalaha nahay ee sudan.

Xafladaan aadka u qiimaha badneyd ayaa aheyd mid ka duwan xafladahii hore taas oo ay ka muuqatay farxad iyo reyn reyn aad u weyn wajiyada  ardayda soomaa siday caadadu tahayba  xaflad waliba  waxaa u istaaga arday si gaar  ah isu xil saarto xafladaan waxaa soo qaban qaabiyay  Jamciyada Ardayda Soomaaliyeed ee ka qalin jabiyay Jaamacadaha sudan 2010 taasoo uu horjooga u ahaa md/ Aweys macallin daahir faarax iyo xubnahiisa kale .

Quraanka kariim ah akhrisa  ka dib waxaa waxaa ka hadlay mudane muuse maxamed rooble  isagoo matalayay  ardada ka qalin jebisey jaamacadaha , iyo mudane Aweys macallin daahir oo ahaa gudoomiyaha gudiga soo qabanqaabiyay xafladan islamarkaana ah mid ka mid ah ardada ka qalin jabisay jamacada africa ee caalamig ah, intaa ka dib waxaa microfoonka lagusoo dhaweey Dr. xuseen bashiir oo ah macalin ama bara ka ah jamacada africa kana hadlay wax yaalaha looga baahanyahay ardayda soomaaliyeed ee ka qalin jabisay jaamacadaha sudan iyo waajibaadka ka saaran dalkooda sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen dib udhiska wadankoooda isagoona u qeybiyay warqada aay ku qoarnyihiin qaabka aay nolosha tahay inaay u bilaabaan. Waxaa

Iyadoo halkaa kasii socotay xaflada oo si weyn looga soo qeeyb galay dadkuna aay wajigooda ka muuqatay farxad iyo sida aay ugu faraxsanyihiin in aay dhameystaan marxalad jaamacadeed aayna bilaabi doonaan waji cusub oo ah in ay wax ugu qabtaan dalkooda iyo dadkooda iyo diintoodaba kulana laabtaan waxay aay barteen dalkooda hooya aaysan dibadaha waqti kale isaga dhumin.

Markii aay dhamaadeen hadaladii lagasoo jeedinayay madasha xaflada ka dhacday ayaa waxaa bilaabatay in la qeybiyo shahaadooyinkii la gudoonsiinay ardayda qalin jabisay oo cadadkooda ama tiradooda aad u badnaa taasoo ku dhacday si aad u heer sareysa farxad aan xad lahayna ka muuqatay dhamaan  shacabkii kasoo qeyb galay.

Guntii iyo gabagabadii xaflada waxay ku dhamaatay si hagaagsan iyo sidii loogu tala galay iyadoona ay  soo bandhigeen waxyaaba ka farxiyo ardada kuwaasoo aay ka qeyb qaateen aradad sudan wax ka barata qaar kamid ah.

 Xuseen shiikh cabdisalaan

Maslax3@hotmail.com 

Khartoum – sudan

 

 


Ugu yaraan 17 ruux oo Soomaali ah ayaa meydadkooda laga heley xuduuda u dhexeysa wadamada Sacuudiga iyo Yemen ka dib markii ay isku dayeen

Ugu yaraan 17 ruux oo Soomaali ah ayaa meydadkooda laga heley xuduuda u dhexeysa wadamada Sacuudiga iyo Yemen ka dib markii ay isku dayeen inay u talaabaan dalka boqortooyada Sucuudiga.

Meydadka dadkan la heley ayaa ahaa tahriibayaal doonayey inay si qarsoodi ah ku galaan dalka Sacuudiga xilli amaanka xuduuda aad loo adkeeyey dhawaanahan ay dagaala ka dhacaeen deegaanada xadka u dhow.

Safiirka Safaarada Soomaalida ee Yemen Xuseen Xaaji Axmed ayaa sheegay in wararka uu ku heley in dadkaasi Soomaalida ah ay ku dhinteen hal meel oo buur hoosteeda ah ka dib markii mudo 24 saac ah ay ku xayirnaayeen buur hoosteeda oo roobab mudo da’ayey iyo gaajo ay isugu darsantay.

Soomalaidan maydkooda la helay ayaa loo aanaynayaa dhimashadooda xadka oo ammaan ahaan la adkeeyay iyo roobabka iyo gaajada haleelay oo ay ugu la’deen xaduuda.

Ma aha markii ugu horaysay oo xadkaasi ay ku dhintaan Tahriibayaal soomaaliyeed waxaana la aaminsanyahay in ay jiraan tahriibayaal badan oo doonaya in ay maraan wadada ay ku dhinteen Soomaalidaasi
hiiraanweyn online


wararka carabiga webkaan kala socon WWW.SOMALINOTE.COM ka baro magacyada  rabi free countersRADIO HIIRAANWEYN
S
S
S
ext