Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa lagu warramaya inay dalkeeda ka masaafurisay in ka badan 15 kun oo Pakistan haysta madhabta Shiicada, iyadoo la sheegay dadka la masaafuriyay in sidoo kale hantidooda lala wareegay oo faro marnaan dib loogu celiyay Pakistan, sida lagu sheegay barnaamij ka baxay telefishinka Faransiiska ee France 24.
Waxaa lagu sheegay barnaamijka in arrintani ay qayb ka tahay saameynta ay Pakistan ka wajahday dhex dhexaadintii Mareykanka iyo Iiraan,xilli horey loo sheegay Imaaraadka Carabta inuu ka dalbaday Pakistan inay dib usoo celiso ku dhawaad 2 bilyan oo doolar oo deyn bankiga dhexe ee Pakistan horey uu Imaaraadka ugu shubay si loo ilaaliyo kaydkiisa lacagaha qalaad, taasoo ku qasabtay dalalka Sacuudiga iyo Qatar inay bixiyaan.
