Diyaarad Ciidan oo laga leeyahay dalka Turkiga ayaa maanta Gegida Diyaaradaha Aadan Cadde soo Caga-dhigatay.
Sidoo kale Saraakiil ka tirsan Ciidanka Turkiga ee Muqdisho ka Howl gala & Madax ka socotay Wasaarada Gaashaandhigga oo uu ka mid yahay Wasiirka Difaaca Somaliya Ahmed Moalim Fiqi ayaa isla Airport-ka ku sugnaa.
Dhowaanahaan Dalka Turkiga ayaa Muqdisho keenay Hubka nuucyadiisa kala duwan sidoo kale si wayn ayuu u tababaray Guutooyin ka tirsan Ciidanka Gorgor ee Melletariga Somaliya.
Lama oga waxa ay sido diyaaradaan mana jirto wax hadal ah oo ka soo baxay Dowlada Somaliya, Hase ahaatee Xiriirka & iskaashiga dhinaca Difaaca ee Muqdisho iyo Ankara ayaa indhowaanahaan aad u sii xoogaysanaayay
