Monday, May 6, 2024

Dowladda Mareykanka oo Deg deg ugala Baxeyso Ciidamadeeda dalka Niger,

Axad-21-April-2024 {HMC} Mareykanka ayaa si dhaqso ah u billaabaya inuu ciidankiisa kala baxo dalka Niger, kaddib markii militariga afgambiga dalkaa kula wareegay July 2023 , ay tirtireen dhammaan heshiisyadii dalkaa uu kula jiray Mareykanka , iyagoo markaa soo saaray go’aan ay Niger , uga saarayaan Mareykanka .

In ka badan kun askari oo Mareykan ah ayaa baxaya.

Hoggaamiyayaasha militariga Niger, markii ay qaateen go’aanka ay isaga fogeynayaan Mareykanka iyo reer galbeedka , waxay u dhaqaaqeen dhanka Ruushka oo ay ku wareejin doonaan saldhigyada uu ka baxayo Mareykanka.

 

Nidaamka dunidda ee waqtigan ayaa dawladaha ku qasbay inay wajiga saaraan dalalka quwadda leh.

Laakin miyay habboontahay si aan kala har lahayn in ajaaniib la isugu dhiibo?

Afrika, waa garoon lagu baratamo iyo goob wax-soosaarkeeda dunidda kala ay ka faa’iideysato, sababtana waa nidaamyada ayaa isku dhiiba dalalka kale , taa beddelkeeda waxaan doorbidi lahaa Afrikanka inay diyaariyaan siyaasaddo maamulka u madax banneenayna iyagoo awoodaha ay raadinayaan heshiisyo kala sooc ah la galaya. Hadda Afrika waxaa laga xiiseynaya oo galbeedka isku ballaariyay Ruushka , laakin ma aha dal waxtar u leh dunidan , waa dal go’doon caalami ah ku jira oo nidaamkiisa difaaca kuma siinayo horumarin dhaqaale iyo bulsho, kaliya waxa uu uga duwan yahay Mareykanka iyo galbeedka ayaa ah inuusan doonayn calaacal dhexdeed inuu kugu xukumo, waxaa kalo Ruushka loo doorbidaya inuu xorriyad u siinayo hoggaamiyaasha Afrikanka inay xukunka si awood leh u haystaan oo ay joogi karaan illaa dhimashadooda.

 

MUQAALADA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

ENGILSH NEWS