Weerar ka dhacay London oo Lagu dhaawac laba qof oo Yuhuud ah.

0
1
Screenshot

Waxaa la sheegay in weerarkii ka dhacay London ee lagu dhaawacay laba qof oo Yuhuud ah uusan ahayn fal argagixiso oo la xiriira nacaybka Yuhuudda.

Inkasta oo warbaahintu si gaar ah u iftiimisay in laba Yuhuudi ah la tooreeyay, haddana waxaa la ogaaday in ninka weerarkan geystay oo ah muwaadiin Ingiriis ah oo oo asal ahaan Soomaali ah uu sidoo kale dhaawacay qof saddexaad oo Muslim ah, kaas oo aan lagu xusin warbaahinta, si dhacdada loogu muujiyo mid ka dhan ah Yuhuudda.

Arrintan waxay dhalisay Booliiska waqooyiga London inay sheegaan ninka fuliyay weerarka inuu qabay xanuun maskaxda ah, wallow aysan sheegin qofka Muslimka ah ee la dhaawacay, una oggolaadeen weerarkan in lagu sheego mid kan dhan ah Yahuudda.

Dhacdadaan, waxay keentay in ururrada Yahuuda ay helaan lacago deeq ah oo ka badan 32 milyan oo dollar, halka sidoo kale la mamnuucay bannaanbaxyada ka dhanka ah Israa’iil ee looga soo horjeedo xasuuqa Qasa.

Halka Yahuudda Ingiriiska ay heli doonaan ilaalin gaar ah, waxaana heerka labaad la gaarsiiyay halista ay la kulmi karaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here