Saturday, June 1, 2024

Ciidamada Sudan oo gabi ahaan la wareegay magaalada labaad ee ugu weyn dalkaas.

Arbaco  13 March, 2024 {HMC} Taliyaha Ciidamada Wadanka Suudaan Abdel Fattah Al-Burhan, ayaa maanta gaaray magaalada Umdurman ka dib markii ay ciidamadu la wareegeen xarunta idaacadda iyo telefishinka.

 

Wariye ka tirsan telefishinka Al-Carabiya ayaa xaqiijiyay in ciidamada Sudan ay la wareegeen gabi ahaan magaalada, kadib markii ay gudaha u galeen xarunta idaacadda iyo telefishinka oo saldhig u ahayd Ciidamada Taageerada degdeg ah RSF.

Ciidamada Qalabka Sida ee Suudaan ayaa sheegay in ay fashiliyeen, aroornimadii hore ee saakay isku day ay sameeyeen ciidamada Taageerada degdega ah si ay uga baxsadaan go’doominta ay ku soo rogeen ciidamada qalabkasida.

War saxaafadeedka ka soo baxay xafiiska afhayeenka ciidamada ayaa intaa ku daray in inta badan ciidamadii baxsadka ahaa laga daba tagay, lana burburiyay.

Dhanka kale, Maraykanka ayaa sheegay in labada dhinac ee iskahorimaadku dhexmaray ay galeen dambiyo dagaal.

Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale sheegtay in ku dhawaad 25 milyan qof oo u dhigan kala bar dadka Sudan ay u baahan yihiin gargaar degdeg ah.

MUQAALADA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

ENGILSH NEWS