Wednesday, May 1, 2024

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne Xassan Shiikh iyo dhigiisa Turkiga oo ka wadahadlay qodobo xasaasi ah

Sabti 2,March 2024 {HMC} Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta la kulmay dhigiisa dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ka dib markii uu dalka Turkiga

Kulanka labada Madaxweyne ayaa looga hadlay arrimo muhiim ah oo ay ugu horeeyaan dhinacyada iskaashiga dhaqaalaha iyo Difaaca, dagaalka dowlada ay kula jirto argagixisada iyo muhiimada Soomaaliya u leedahay xasiloonada gobolka geeska Afrika.

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa dhowaan wada galay heshiis caalami ah oo quseeya dhanka Difaaca iyo dhaqaalaha oo lagu ilaalinayo xeebaha Somalia, laguna tababarayo ciidamada Badda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka Turkiga kaga qeyb-galay Madasha Diblumaasiyadda Antalya ee dalka Turkiga ayaa ka hadlay mustaqbalka wanaagsan ee Soomaaliya iyo muhiimadda ay leedahay xasilloonida marinnada muhiimka ah ee ay ka mid tahay Badda Cas.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

MUQAALADA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

ENGILSH NEWS