Friday, May 3, 2024

{DAAWO SAWIRADA} Dhalinyaradan Soomaaliyeed oo 22 Wadan oo Carab ah uga guuleystay abaalmarint caalamiga ah ?

Axad-20-April-2024 {HMC} Koox dhalinyaro Soomaaliyeed ah oo si isxilqaan ah uga shaqaaya nadiifinta xeebaha iyo wacyi galinta deegaanka magaalada Muqdisho ayaa dhowaan ku guulaystay kaalinta kowaad ee tartanka Abaalmarinta Tabarruca ee Beyruut, oo ay ka qayb galeen dhiggood ka kala socday dalal Carbeed taas sanadkan lagu qabtay daka Turkiga.

Dhalinyaradan ayaa muddo saddex sano ah ka shaqaynayey nadiifinta xeebaha gaar ahaan xeebaha Muqdisho, halkaas oo maalinta Jimcaha ay ka sameeyaan olole lagaga nadiifinayo badda khashinka ay soo tufto ee dhibta ku ah noolaha badda iyo aadanaha kaleba.

Tartanka waxaa ka qayb galay ilaa toddobaatan kooxood oo isxilqaamayaal ah oo ka kala socda dalalka Carabta, kuwaas oo ka shaqeeya barnaamijyada iskaa wax u qabso ee bulshooyinka wax loogu taro.

Cabdisataar Caraboow Ibraahim, waa guddoomiyaha ururka isxil-qaamayasha Muqdisho ee ka shaqeeya nadaafada xeebaha, wuxuu BBC-da u sheegay in guushooda ay ka turjumayso kaalinta wax ku oolka ah ee ay ciyaareen.

“Guusha aan helnay waa guul Soomaaliyeed” ayuu si dareen farxadeed ah u yiri.

Wuxuu sheegay inuu iyadoo dalku wali soo kabasho ku jiro, haddana daddaalkoodu uu muujiyey inay kaalinta kowaad galaaan uuna ku tilmaami karo “mid mucjiso ah”.

“Inaan ka guulaysanno ilaa siddeetan annaga oo kale ah dadka ka shaqeeya barnaamijka iskaa wax u qabso ay tahay dadaal dheer oo aan bixinnay, taasoo nagu xambaaraysa inaan sii laba jibbaarno inaan sii xoojinno howlihii aan haynay,” ayuu intaas raaciyey Cabdisataar.

Tartankan ayaa soo maray dhowr qaybood oo lagu kala soo saaray ilaa siddeetan urur oo ka shaqeeya barnaamijyada isxil-qaanka ee dhalinyaradu ku hormariyaan bulshooyinkooda, kuwaas oo ka kala socday ilaa 22 dal oo Carbeed.

Qaybta kowaad waxaa siddeetanka urur laga soo xushay soddon urur oo iyana la sii kala saaray iyadoo aakhirkiina saddex iyo tobban laga sii xushay soddonka ayaa loo ogolaaday inay tagaan xarunta lagu bixinayey abaalmarinta ee dalka Lubnaan.

“Runtii dareenkeena lama qiyaasi karin, tanina waxay shidaal u noqonaysaa howshii an wadnay, waxya noo ahayd aqoonsi caalami ah, qofkasta oo ka shaqeeya iskaa wax u qabso ay tahay sharaf ayaan ka helnay,” ayuu yiri Cabdisataar.

Cabdisataar, Wuxuu BBC-da u sheegay in dadku ku sugan Muqdisho ay ku arki jireen xeebaha iyagoo howlo nadiifin ka wada si loo ilaaliyo badda iyo deeggaanka balse wuxuu xusay inay hadda maqleen sida samafalkoodii uu u helay dareen caalami ah iyo dhiirigalin weyn.

“Waxaan halkaas sidoo kale ku soo bandhignay cilmi baaris aan samayn muddadii saddexda sano ee an howlan wadnay” ayuu yiri.

Isagoo ka jawaabay waydiinta BBCda ee ah cida ka caawisa arrintan ay mudda dheer waydeen ayuu yiri “Anaga ayaa is wadnay, xooga waqtiga iyo kharashkaba jeebkeena ka bixinaynay, cidna taageero kama helin, waayo waxaan doonaynay inaan joogtayno shaqada iskaa wax u qabso ee an muddaas wadnay” ayuu yiri Cabdisataar.

Waa koox dhalinyaro ah oo is abaabushay, kuwaas oo ku midaysay urur la yiraahdo Ololaha Nadaafadda xeebaha iyo wacyi galinta deegaanka. Shaqadoodu waxay inta badan ku foogan tahay in waxyaabaha qashinka ah laga aruuriyo deeganka iyo xeebaha si aysan waxyeello ugu soo gaarin bini’aaddanka iyo noolaha ku jira baddaha.

Cabdisataar, wuxuu xusay in shaqada ay hayaan ay ku dhiirigaliyaan dadka xilliyada ay ku howlan yihiin arruurinta qashinka.

Waxay ka kooban yihiin illaa dhowr iyo labaatan dhalinyaro ah oo gabdho wiilal isugu jira, hase yeeshe maha tiro go’an oo mararka qaar waxa ku biira dhalinyarada u tamashlaha taga xeebaha Muqdisho maalinta Jimcaha ee nasashada.

XIGASHO BBC

MUQAALADA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

ENGILSH NEWS