Tuesday, May 14, 2024

{DAAWO SAWIRADA} Heshiisyo ay ka mid yihiin Sideynta Maxaabiista oo ay Soomaaliya la gashay Tanzania.

Axad 28, April  2024 {HMC} Dawladaha Soomaaliya iyo Tanzania ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad (MOU) oo ku saabsan maxaabiista Soomaalida ee ku xidhan dalkaasi kadib booqashadii Madaxweyne Xasan ee Magaalada Dar es Salaam.

Maxaabiistan ayaa sida uu sheegay Wasiirka Wasaaaradda Warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac, waxaa la marsiin doonaa sharciga caalamiga ah ee maxaabiis wareejinta.

Wasiirka oo BBC la hadlay ayaa sheegay in maxaabiistani ay u xiran yihiin falal kala duwan oo Tahriib iyo budhcad badeednimo ah. ”Waxaa jira dad Soomaaliyeed, qaar tahriib ku socday iyo kuwa budhcad badeednimo loo haysto oo qaarkood mudo halkan ku xirnaa ama xukunno sharci ah maray” ayuu yiri wasiir aweys.

Labada dal ayaa kala saxiiday dhowr heshiis isfagarad oo ay ka mid yihiin dhaqaalaha, beeraha iyo caafimaadka.

Waxaa sidoo kale ku jira heshiisyada, daxiiska, amniga iyo waxbarashada, ”waxaana la isku afgartay in la sameeyi sidii si degdeg ah loogu fulin lahaa heshiisyadaasi”.

Isafgaradyadan ayaa heshiikooda rasmiga ah la filayaa in lagu kala saxiixdo Muqdisho sida uu sheegay Wasiir Daa’uud Aweys.

Heshiisyada ayaa laga ballaariyaya sidii la filayey ka hor booqashada madaxweynaha, ”markii kulanku dhacay waa ay kasii ballaarteen sidii qorsheynayey, waxaa la isla gartay in qorshaha xiriirka labada dal iyo iskaashigu ay noqdaan kuwo ballaaran,” ayuu yiri wasiir Aweys oo BBC u warramay.

Waxaa la filayaa in la sameeyo munaasabad isafgaradyadan heshiisyo rasmi ah loogu badalo laguna saxiixo inkastoo uusan wasiirku noo sheegin xilli la qorsheeyay.

Tanzania ayaa dhankeeda ballan qaadday in ay sii wadi doonto taageerada Soomaaliya ee dhinacyada kala duwan oo ay ku jiraan difaaca iyo amniga, si loo xaqiijiyo nabad waarta oo ka dhalata dalkan xubinta cusub ka noqday urur goboleedka dhaqaalaha ee Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Madaxweyne Samia Suluxu Xasan ayaa ballan-qaadkan sameysay horraantii Sabtidii kaddib markii ay la kulantay dhiggeeda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay kula kulantay Aqalka Madaxtooyada ee Daarusalaam.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa booqasho rasmi ah Tanzania ku tagay Jimcihii.

Samia Suluxu Xasan oo oo warfidiyeenka la hadashay ayaa sheegtay in dowladeedu ay diyaar u tahay in ay Soomaalida siiso tababaro la xiriira difaaca iyo dhinacyada kale ee ay ka mid yihiin caafimaadka iyo waxbarashada.

Marka laga soo tago dhanka ammaanka, Dr. Samia waxay sheegtay in labada dal ay bilaabeen socdaal ay ku xoojinayaan iskaashiga dhinacyada caafimaadka iyo waxbarashada.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhankiisa uga mahadceliyay dowladda Tanzania sida ay u garab istaagtay xilliyadii adkaa.

Waxa uu xusay in Soomaaliya laga qaaday cunaqabateynta hubka ee saaran dalka maadaama uu dalkiisa uu ku socdo wado wanaagsan oo ku aadan dhimista dhammaan deymaha lagu leeyahay.

Booqashada Xasan Sheekh Maxamuud ee Tanzania ayaa noqoneysa booqashadii ugu horeysay ee uu ku tago dalkaas, waana booqashadii ugu horreysay tan iyo markii ay Soomaaliya ku biirtay ururka Bariga Afrika ee EAC.

Waxa uu ka mid ahaa todobada madax ee ka qayb galay xuska sanad guurada 60-aad ee kasoo wareegtay midowgii Zanzibar iyo Tanzania inteeda kale oo lagu qabtay magaalada Daarasalaam.

Soomaaliya ayaa bilowgii sannadkan si rasmi ah ugu biirtay urur goboleedka dhaqaalaha ee Bulshada Bariga Afrika oo ay budhige u ahaayeen Kenya, Uganda iyo Tanzania, waxayna ka faa’iideysanaysaa fursaddaas.

Soomaaliya ayaa la filayaa in ay ka faa’iiddo suuqan ballaaran ee sare u dhaafaya saddexda boqol ee milyan ee qof, halka dhankeed la filayo in ay bulshadan ku biiriso waxyaabo ay ka mid yihiin khayraadka dihin oo ay ka mid tahay xeebta ugu dheer dhulweynaha qaaradda.

Kalluunka iyo khayraadka kale ee badda ayaa ah wax ay Soomaaliya uga faaiideyn karto bulshadan ay ku biirtay

Soomaaliya waxay sidoo kale haysataa xoolo badan iyada oo ah dalka uu joogo geela ugu badan caalamka.

Shidaalka ayaa sidoo kale ah hantida daahsoon ee Soomaaliya oo la filayo in ay sannadkan bilaabato soo saaristiisu kadib markii lo ogaaday in aag laga baadhay shidaal oo badda gudaheeda ah ugu yaraan ku jiraan 30 Bilyan oo fuusto.

Turkiga oo ay Soomaaliya la gashay heshiis iskaashi dhanka amniga iyo dhaqalaha ah ayaa la filayaa in uu soo saaro shidaalkaas isla markaana uu sii wado sahminta meelaha kale ee dalka si loo ogaado meelaha kale ee shidaal ku jiri karo.

Xigasho BBC

MUQAALADA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

ENGILSH NEWS