Sunday, May 5, 2024

{DAAWO SAWIRADA} Magacyada Saraakiil AS loogu dilay howgal ka dhacay duleedka Jamaame

Axad-21-April-2024 {HMC} Faah-faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo ay jiinka wabiga Jubba ee nawaaxiga degmada Jamaame ka wadaan ciidanka Kumaandoska Danab iyo kuwa Jubbaland ee Guutada gurmad Qaran

Wararka ayaa ayaa sheegaya in ciidanku weeraray godod ay difaac kaga jireen kooxda Al shabaab kadib hawlgallo aan kala joogsi lahayn oo ay ciidamadu maalmihii u dambeeyey ka samaynayeen deegaanno dhaca jiinka wabiga Jubba, gaar ahaan tuulooyinka ku teedsan degmada Jamaame ee gobolka Jubbada hoose.

Howlgalkan ayaa waxaa al shabaab looga dilay in ka badan 50 dagaalyahan halka intaas in Ka badana lagu dhaawacay sida ay sheegeen saraakiisha horkaceysa.

Waxaa kaloo howlgalkan lagu qabtay tiro maxaabiis ah, ciidama ayaana fashiliyay tiro minoyin oo lagu talagalay in lagu dhibaateeyo dadka shacabka ah.

Howlgalkaan oo socday maalmihii la soo dhaafay ayaa ciidamadda dowladdu waxaa ay ku qaarajiyeen saraakiil muhiim u ahaa al shabaab waxaana ka mid ah, Caana-Nuug iyo Sheekh Nuur oo kooxdaas u qaabilsanaa miinada iyo sarkaal kale oo lagu magacaabo Sheekh Xuseen.

MUQAALADA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

ENGILSH NEWS