Monday, May 6, 2024

Ku dhawaaad 118 maxbuus oo baxsatay markii roobbab mahiigaana ay waxyeello u gaysteen jeelkii ay ku xirnaayeen

Jimco -26-Apr-2024 {HMC} Ugu yaraan 118 maxbuus ayaa ka baxsatay xabsiga kaddib markii roobbab xoog leh oo da’ay ay waxyeelo ba’an u geysteen jeelka Suleja oo ku dhaw caasimadda Nigeria, habeenimadii Arbacada, sida uu sheegay afhayeenka waaxda adeegga xabsiyada.

Ciidanka illaalada xabsiyada ayaa baadi goob ugu jira sidii loo heli lahaa maxaabiista baxsatay, illaa hadda waxa dib loo helay 10 maxbuus sida uu sheegay Adama Duza oo ah afhayeenka waaxda adeegga xabsiyada.

‘’Hawgal adag ayaan ku jirnaa oo aan ku baadi goobeyno kuwa baxsaday’’ ayuu yiri Duza.

Warbixinta laguma sheegin cidda ay ahaayeen maxaabiista fakatay, balse xubno horey uga tirsanaan jiray Boka Xaram ayaa lagu xiray xabsigan Suleja.

MUQAALADA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

ENGILSH NEWS