Tuesday, May 7, 2024

Madaxweyne Xasan Shiikh oo ka qeyb galaya xuska sannad guurada 60-aad ee midowga Tanzania

Jimco -26-Apr-2024 {HMC} Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa booqasho rasmi ah ku tegay magaalada Dar es Salaam ee caasimadda Tanzania, isla markaana xarun u ah Ururka Bariga Afrika oo ay Soomaaliya dhowaan ku biirtay.

Madaxweynaha ayaa ka qeyb gali doono xuska sanad guurada 60-aad ee midowga Tanzania iyo qarannimadeeda. Inta uu joogo halkaas Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa lagu wadaa inuu kulamo la qaato mas’uuliyiinta Tanzania.

 

Wadahadallada ayaa lagu wadaa in looga hadlo arrimo badan oo ay ka mid yihiin horumarinta xiriirka labada dal, dardargelinta ku biiritaanka Soomaaliya ee qaab dhismeedka dhaqaalaha Geeska Afrika, iyo kobcinta iskaashiga dhaqaalaha iyo maalgashiga.

 

Wasiirka arrimaha dibadda, Axmed Macalin Fiqi oo qeyb ka ah wafdiga madaxweynaha, ayaa sheegay, in labada dal ay gali doonaan heshiisyo ku saabsan, warfaafinta , caddaaladda iyo arrimaha dibadda.

 

Wasiir Fiqi wuxuu sheegayin heshiisyada la saxiixidoono ay yihiin kuwa lagusoo bandhigay shirarkii ugu dambeeyay ee golaha xukuumadda.

 

Dowladda Soomaaliya ayaa dalka Tansaaniya ku ammaantay inay ay gacan ka geysatay xubinnimada Soomaaliya ee dallada Bulshada Bariga Afrika (EAC).

MUQAALADA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

ENGILSH NEWS