Monday, May 6, 2024

Muxuu yahay Heshiiska Cusub Kenya La galeeyso Soomaaliya.?

Arbaco 23 Apr 2024 {HMC}  Xoghayaha beeraha iyo xanaanada xoolaha ee Kenya Mithika Linturi ayaa ku dhawaaqay in Kenya ay heshiis dhoofinta qaadka ah la galeyso Soomaaliya 8da bisha soo socota ee Maajo, si loo xaqiijiyo faa’iido dhaqaale, loona abuuro hanaan sharci oo ganacsiga qaadku ku shaqeeyo.

Mr Linturi wuxuu hoosta ka xariiqay in qaadku uu laf-dhabar u yahay dhaqaalaha degmada Meru, kaasoo waxtar u leh nolosha dad badan oo degmadaas ku nool.

Xoghayaha wuxuu u ballan qaaday dad uu la hadlayey in xukuumaddiisa ay diyaar u tahay in ay ilaaliso danahooda.

Sannadihii u dambeeyey waxaa ganacsiga qaadka ee Soomaaliya iyo Kenya u dhaxeeya hareeyey khilaaf soo noqnoqonayey, horena uma aysan jirin heshiisyo qaadka la xiriira oo ay labada dhinac wada galeen.

Muddo ku dhawaad laba todobaad laga joogo ayaa dib waxaa u billowday qaadkii tegi jiray Muqdisho, ka dib markii muddo hakad ku jiray.

Cabdiwaaxid Barre Macallin oo ka mid ah dadka ka shaqaysta qaadka ee ka soo qaada Beeralayda ilaa ay u dhoofiyaan Soomaaliya ayaa BBCda u sheegay in ay khaati ka joogaan wax uu isagu ugu yeeray “magafayaasha qaadka” oo lacago dheeraad ah ka qaada ganacsatada qaadka u dhoofiya Soomaaliya.

“Waa arrin dhib ku ah dadka nolol maalmeedkooda, beeralayda ilaa kuwa ku xiran ee wax ka hela, lacagta maaha mid ah canshuurta oo Kenya u dhacda, iyo mid Soomaaliya u dhacda laakiin waxay u dhacdaa kudlad isku xiran oo ku sii xiriirsan dad awood leh” ayuu yiri Barre.

Dowladda Soomaaliya ayaa qaadka Miiroowga ee Muqdisho tagaya sida maalin laha ah ku canshuurta lix dollar kiiladiiba.

Laakin dhanka kale waxaa jira dad diiddan gabi ahaanba ka ganacsiga iyo isticmaalka qaadka, waxaana ka mid ah Abuukar Cawaale oo ah nin muddo 10 sano ka badan u ololeynayey in qaadka la mamnuuco. Wuxuu aaminsan yahay in qaadku uu yahay daroogo dunida mamnuuc ka ah.

“Waa ayaan darro weyn in dawladeenna ay dawlad kale heshiis kula gasho daroogo adduunyada inteeda kale mamnuuc ka ah” ayuu yiri, wuxuuna intaa ku sii daray in “aysan haboonayn in dawlad kale heshiis lagula galo dhibaataynta shacabka”.

Abuukar Cawaale oo wax laga weydiiyey in sida ay noqon karto xaaladda dadka noloshoodu ku tiirsan tahay ganacsiga qaadka, si toos ah ama si dadban, ayaa intaa ku daray in khasaarihiisa uu ka badan yahay faa’iidada laga helo. “Dadka ka manaafacaadsada qaadka waxaa aad uga badan dadka uu dhibaatada ku hayo”.

Abuukar oo muddo dheer u ololeynayey joojinta qaadka, sidee buu u arkaa in markan la sharciyeyn doono ganacsiga qaadka, muxuuse ku talinayaa. “Wakhtigan waxaa muhiim ah in la helo qaab lagu nidaamiyo qaadka dalka la keeno, ayadoo nidaamintaasna ay ku salaysnaan doonto sidii loo yarayn lahaa xaddiga qaadka – sida in maalmaha qaar aan la keenin, ugu dambaynna loo joojin lahaa ka ganacsigiisa iyo ku tiirsanaantiisaba

“Muddadaas gudaheeda waxaa muhiim ah in laga shaqeeyo sidii loo abuuri lahaa fursado kale oo dadkii ka shaqaysan jiray qaadka ay noloshooda ku maareeyaan” ayuu yiri Abuukar Cawaale.

Kenya waxay muddo raadinaysay suuq ay isku hallayn karto oo ay u dhoofiso qaadkeeda. Soomaaliya dhowr goor oo hore ayuu ganacsiga qaadku hakad galay sababo qaarkood siyaasado markaas taagnaa salka ku hayey, halka suuqii kale ee loo dhoofin jiray qaadka Kenya oo ah dalka Ingiriiska isna gabi ahaanba laga mamnuucay bishii Juun 2014. Soomaaliya weli kama aysan hadlin heshiiskaas.

XIGASHO BBC 

MUQAALADA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

ENGILSH NEWS