Thursday, May 2, 2024

Qof afar kelyood leh oo Lagu Arkay Soomaaliya.

Khamiis -18-April-2024 {HMC} Dadka leh kelyaha dheeraadka ah inta badan kuma baraarugsanaa ilaa ay la soo deristo xaalad caafimaad taas oo ku qasabta in ay dhakhtarka booqdaan, iyagoo aan ka warheyn heybadda dheeraadka ah ee uu ilaahay siiyay, waxayse ogaadaan marka lagu sameeyo baaritaan, oo ay ka warhelaan oo kaliya ka dib baarista ultrasound-ka ama qalliin ka dib.

Dadka leh kelyaha dheeraadka ah ee laga diiwaan geliyay adduunka oo dhan ayaa ah kaliya saddex ruux iyada oo qofkii afaraad haatan laga helay gudaha Soomaaliya.

Wiil da’yar oo dhakhaatiirtu ay ka gaabsadeen shaacinta magaciisa ayaa noqday bukaan baaritaan dheer ka dib la ogaaday in uu leeyahay afar kelyood.

Isbitaalka tababarrada iyo cilmi baarista Somali Turkish ee horay loogu yaqiinnay Digfeer, ayaa waxaa booqday bukaankan isaga oo ka cabanaya xanuun uu ka dareemayo killidiisa bidix, waxana dhakhaatiirtu ay amreen in baaritaan lagu sameeyo taas oo lagu ogaaday in uu bukaanku leeyahay afar killiyood iyo in dhinaca uu ka cabanayo uu dhagax kaga jiro.

Dr Cabdikariin Xuseen Maxamed Gabayre, dhakhtarka daaweynta iyo qalliimada xanuunnada kaadi mareenka & taranka ragga oo ah dhakhtarka qalliinka ku sameeyay bukaanka ayaa BBC-da u sheegay qaabka ay xaaladdan ugu baraarugeen.

“Bukaanka oo soo booqday isbitaalka ayaa baaritaan kadib lagu ogaaday xaaladdan, waxa ay noqotay mid la yaab leh maadama adduunka oo dhan lagu ogaa saddex qof oo kaliya isla markaana uu noqonayo qofkii afaraad, intaas kadibna waxa aan u howlgalnay qaabka ugu wanaagsan ee loo geli karo daryeelka iyo daweynta bukaankan maadaama uu yahay ruux ka duwan dadka kale”.

Bukaanka ayaa sidoo kale lagu sameeyay qalliinka xanuunkii uu ka cabanayay maadaama killidiisa bidix laga helay dhagax ku raagay.

“Bukaanka waxa aan la tacaalnay xaaladdii uu isbitaalka u yimid waxa lagu sameeyay qalliin, maadama uu yahay bukaan leh xaalad ka duwan tan caadiga ah, qalliinkiisa iyo daweyntiisaba wey ka duwanaayeen kuwa caadiga ah, waliba waxa aan qoyskiisa kula dar daarannay in ay si gaar ah ula socdaan”, ayuu yiri Dr Gabayre oo qalliinka ku sameeyay.

Bukaanka oo la sheegay in uu dareemayay xanuun badan ayaa baaritaanka ka dib dhakhaatiirtu waxa ay go’aamiyeen in lagu sameeyo qalliin deg deg ah, waxaana lagu sameeyay qaab ‘leysar’ ah ama toos loo tooganayo dhagaxa iyadoo markii lagu guuleystay uu bukaanku dib ugu laabtay hoygiisii.

XIGASHO BBC

MUQAALADA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

ENGILSH NEWS