Friday, May 3, 2024

Saddex caruur oo walaalo ah oo ku Geeriyooday daad qaaday deegaanka Xididaley.

Sabti -20-April-2024 {HMC}  Saddex caruura oo walaalo ah ayaa geeriyooday kadib markii uu daad ku qaaday deegaanka Xididaley ee Gobolka Saaxil ee Soomaaliland.

Geerida caruurta ayaa timid ka dib markii uu qaaday daad xoogan oo ka dhashay roobabka gu’ga oo ka curtey deegaanadaas, caruurta dhimatay ayaa iskugu jira 2 hablood iyo hal wiil, oo qoys kasoo wada jeeda.

maamulka gobolka Saaxil ee Soomaaliland ayaa yiri”Reer dhan ayuu roobku qaaday caruurtii iyo arigiiba , odayga iyo islaantuna way ka maqnaayeen ayaa la yiri  waxa uu qaaday 4 caruura, markaa inan wuu noolyaha oo daadka waa laga reebay, 2 hablood iyo inana way dhinteen”

Waxa uu sheegay in caruurta daadku qaaday ay ahaayeen xoolo dhaqato reer guuraa ah oo goobtan oo naq helay kasoo raadsaday daaq iyo biyo kadib markii ay ka da’een roobabab, waxa uu xusay in reerku ay dageen goob biyo mareen ah.

Waxa uu inta ku daray in roobku uu da’ay saq dhexe, isla markaana ay caruurtu hurdeen xiliga uu daadka qaaday, taasina ay keentay in uu daadku uu ka dul boodo madaama oo ay ahaayeen reer guuraa aan haysan sariiro iyo guryo fiican toona.

Caruurta u geeriyootay Daadka qaaday ayaa galabta lagu aasay deegaankii uu daadku ku qaaday, waana khasaarihii ugu waynaa ee ilaa hada ay gaystaan roobabka gu’ga ee ka curtay Soomaaliland.

MUQAALADA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

ENGILSH NEWS