Monday, May 6, 2024

Sharciga uu Ingiriisku qaxootiga ugu dirayo Rwanda oo la ansixiyey, maxaadan ogayn, maxaadse ka ogtahay

Jimco -26-Apr-2024 {HMC} Baarlamaanka Ingiriiska ayaa ugu dambeyntii meel mariyay sharci qaar ka mid ah muhaajiriinta UK timaada dib loogu celiyo Rwanda, taasoo hirgelinaysa in duulimaadyada dad celintu ay xagaaga soo socdaba bilowdaan sida uu dhigayo qorshaha muranka dhalliyay ee Ra’iisul wasaare Rushi Sunak kaas oo ujeedkiisu yahay in lagu joojiyo dadka ka soo gudbaya Kanaalka Ingiriiska.

Hindise sharciyeedkan loogu tala galay in lagu xannibo qorshe ay ku hareeraysan yihiin caqabadaha maxkamadaha iyo dagaallada sharci-dejinta ayaa la ansixiyay horraantii Talaadada, taas oo hirgelinaysa rajada ra’iisul Wasaare Sunak, gaar ahaan guusha siyaasadeed ee aadka ugu baahan yahay, oofinaysana wacadkiisa ah in uu joojin doono doomaha sida sharci darrada kusoo daabulaya muhaajiriinta.

Dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha iyo kooxaha muhaajiriinta ayaa wacad ku maray inay sii wadi doonaan dagaalka ka dhanka ah siyaasaddan, taasoo ay ku sheegeen inay tahay mid ka baxsan anshaxa iyo bini’aadantinimada.

Qorshaha Rwanda ayaa ah jawaabta ay dawladda Ingiriisku ka bixinayso tirada sii kordhaysa ee muhaajiriinta kaga imanaya daafaha adduunka oo dhan — oo gaadhay heerkii ugu sarreeyay ee 46,000 sanadka 2022 — kuwaas oo doomo yar yar uga soo tallaabaya Kanaalka Ingiriiska ee Faransiiska una socda Ingiriiska.

Inta badan dadka jidkaas ku yimaada waxay dalbadaan magangelyo, horena qaar badan ayaa loo oggolaaday. Dowladdan oo uu hoggaamiyo xisbiga Conservative-ka ayaa sheegtay in muhaajiriintan aan loola dhaqmin sidii qaxooti dhab ah, sababtoo ah kama aysan dalban magangelyo dal kale oo nabdoon, sida Faransiiska oo ay markii hore gaareen.

Isku day lagu doonayo in dadka looga joojiyo safarrada halista ah, U.K ayaa heshiis la gashay Rwanda bishii Abriil 2022 si ay u soo dirto muhaajiriinta ku yimaada halkaas oo dacwadooda magangelyo lagu xallin doono.

Hay’adaha xuquuqul insaanka iyo kuwa kale ee dhaleeceeya qorshahan ayaa sheegay in ay tahay mid aan shaqaynayn oo anshax xumo ah in muhaajiriin loo diro dal 4,400 mayl u jira oo aanay doonayn in ay ku noolaadaan. Balse ra’iisul wasaare Rishi Sunak ayaa sheegay in duullimaadyada ugu horreeya ay bilaaban doonaan bisha July.

Qorshahani maxuu wakhtiga dheer u qaatay si uu halkaan u gaadho?
Qorshaha Rwanda ayaa isla markiiba la kulmay caqabado dhanka sharciga ah. Duulimaadkii ugu horreeyay ee raridda ayaa la hakiyay daqiiqaddii ugu dambeysay ee Juun 2022 ka dib go’aan ka soo baxay Maxkamadda Xuquuqda Aadanaha ee Yurub,

Ugu danbayntii Kiisku waxuu gaadhay Maxkamadda Sare ee Britain, waxay burisay sharcigaas bishii November iyada oo xukuntay in siyaasadaasi tahay sharci darro. Iyadoo maxkamaddu tilmaantay in Rwanda ayna ahayn waddan saddexaad oo nabadgalyo ah, muhaajiriintana loo diri karo.

Shan garsoore ayaa si isku mid ah u sheegay in ay tani soo bandhigi doonto “khatar dhab ah oo si xun loola dhaqmo (muhaajiriinta)” sababtoo ah waxaa dib loogu celin karaa dalalkoodii ay ka soo qaxeen.

Garsoorayaasha ayaa sheegay in ay jirto caddaymo muujinaya in Rwanda ay leedahay dhaqan ay si khaldan u fahmeen waajibaadkooda ku xusan Axdiga Qaxoontiga, ayna ka dayrinayaan magangalyo-doonka ka imaanaya Bariga Dhexe iyo Afgaanistaan, iyo in ay khibrad yar u leedahay habraacyada magangalyada ee loo baahan yahay in lagu maareeyo kiisaska muhaajiriinta ka imaanaya daafaha caalamka.

Sidee uga jawaabtay dowladdda UK?
Britain iyo Rwanda ayaa kala saxiixday axdi bishii Disembar ay ku ballan qaadayaan in ay xoojinayaan ilaalinta muhaajiriinta, qeyb ahaan iyaga oo ka mamnuucaya Rwanda in ay u soo diraan wax muhaajiriin ah oo laga soo tarxiilo Boqortooyada Ingiriiska in dib loogu celiyo dalalkooda. Xukuumadda Sunak waxay ku doodday in heshiisku uu u oggolaaday inay meel mariyaan sharciga maadaama Rwanda nabdooon oo la tagi karo ay jirto.

Xeerkan oo la ansixiyay Talaadadii, ayaa qeexaya in wadanka Rwanda nabad yahay, taas oo adkeynaysa muhaajiriinta inay ka hortagaan masaafurinta waxayna u ogolaanaysaa dawladda Ingiriiska inay iska dhega tirto amarada ka soo baxaya Maxkamadda Xuquuqda Aadanaha ee Yurub ee doonaya inay horjoogsato raritaankan muhaajiriinta loogu soo celinaayo dalkan dhaca Bariga Afrika.

Soomaalida ayaa marka la eego muhaajiriinta loo qaadayo Rwanda ka ah tiro aad u yar, sharciyaqaannada Soomaalida ee jooga UK ee BBC ay la xiriirtayna waxay sheegeen in aysan hayn magan galyo doon Soomaali ah oo hadda u xaraysan in Rwanda loo qaado, “Waayo Soomaalida dalkan yimaada waxay u badan yihiin kuwo si sharci ah ku soo galay” ayuu yiri mid ka mid ah qareennadaas oo la yiraaahdo Cabdirashiid Xaaji Maxamed Aadan.

MUQAALADA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

ENGILSH NEWS