Thursday, May 2, 2024

Taliska Booliska Somaliland oo ka hadlay sababta loo xiray fanaanad Ugbaad aragsan

Arbaco17 April ,2024 {HMC} Waxa caawa magaalada Hargeisa lagu xirey fanaanada Soomaaliyeed ee caanka ah Ugbaad Aragsan, iyadoo Booliska ay arrintaas war ka soo saareen.

Ciidanka Booliska Somaliland ayaa Fannaanada xirey iyadoo ku sugan goob ganacsi oo ay ku leedahay magaalada Hargeisa, sida ay ii xaqiijiyeen goob-joogayaal ku sugnaa goobta.

Ciidanka Booliska JSL ayaa gacanta kusoo dhigay Eedaysan Ugbaad Maxamuud Cabdi , taasi oo dhawaanahan baraha bulshada ku faafinaasay dhaqamo xunxun kuwaasi oo kasoo horjeeda Diinteenna suubban iyo dhaqankeenna wanaagsan.

Ciidamada Boolisku iyagoo gudanaayo waajibaadka ka saaran ilaalinta Diinta , dhaqanka iyo bad-qabka bulshada ayay eedaysanta gacanta kusoo dhigeen , waxaanay wadaan baadhid-dheeraada marka ay dhamaatana waxa degdeg loo horgayn doonaa sharciga.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA BOOLISKA

MUQAALADA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

ENGILSH NEWS