Tuesday, May 14, 2024

Waa sidee xaaladda weriye Raage Oomaar oo xanuunsaday xilli uu toos u akhrinayay warka telefishinka?

Axad 28, April  2024 {HMC} Weriyaha ITV News Raage Omaar ayaa hadda ka soo kabanaya xaaladdii caafimaad ee ku timid isaga oo si toosa u tabinaya wararka. Sida laga soo warbaahinta ITV Raage ayaa hadda ku sugan gurigiisa ka dib markii laga soo saaray isbitaalka oo lagu soo dabiibiyay. Wuxuuna qof walba uga mahad celiyay “naxariista iyo caafimaadka uu u rajeeyay”.

Afhayeen u hadlay ITV News ayaa yiri: “Waxaan daawadayaashii warkii xalay ugu mahadcelineynaa sida ay uga walaacsanaayeen xaaladda caafimaad ee Raage Omaar.

“Kadib daawaynta isbitaalka, wuxuu hadda ku jiraa xaalad soo kabasho ah isaga oo gurigiisa ku sugan”.

“Waxaan Raage u rajaynaynaa soo kabasho degdeg ah waxaanan rajaynaynaa inuu dib ugu soo laabto shaashada marka uu soo caafimaado.”

War qoraal ah oo uu la wadaagay ITV News, ayuu Raage Omaar ku sheegay: “Waxaan jeclaan lahaa inaan qof kasta ugu mahadceliyo naxariistiisa iyo caafimaadka ay rajeeyeen, gaar ahaan dhammaan shaqaalaha caafimaadka, dhammaan saaxibadeyda cajiibka ah ee ITV News, iyo daawadayaashayada oo muujiyay walaac.

“Waqtigaas, waxaan go’aansaday inaan dhameeyo barnaamijka, waxaan ka mahadcelinayaa dhammaan taageerada la i siiyay.”

Raage, ayaa markii ay la soo daristay xaaladda caafimaad tabinayey warka tobanka fiidnimo ee habeenkii Jimcaha ahayd xilliga London, waxaana la arkayey muuqaalka isagoo u muuqda qof gariiraya oo ku dhibtoonaya in uu soo saaro ereyadiisa marka uu ka hadlayo qayb maalmaha fasaxa ah intii uu ku guda jiray akhrinta warka.

Daawadeyaasha ayaa si degdeg ah dareenkooda ugu soo bandhigay baraha bulshada iyagoo ay walaac ka abuurtay baraha bulshada.

Wariye Raage Oomaar oo hadda 56 sano jir ah , ayaa waxa uu yahay tafatiraha arrimaha caalamiga ee telefishinka ITV News, wuxuuna hore u ahaan jiray weriye ka tirsan BBC-da.

Ma jiro faahfaahin intaas dhaafsiisan oo laga bixiyay xaaladda Raage iyo waxa ku dhacay intii uu socday war akhrintiisa.

Si kastaba ha ahaatee, ITV ayaa ka saartay barnaamijka dib u socodsiintiisa ITV+1, iyadoo fariinta taa beddelkeeda u sheegaysa daawadayaasha in ITV “uusan si ku meel gaar ah u awoodin inuu kuu keeno adeeggayaga +1”.

“Waxaan dib u bilaabi doonaa muddo gaaban,” ayaa lagu yiri.

Wariye Raage Omaar, oo ah saxafi asalkiisu Soomaali yahay, balse heysta dhalashada dalka Ingiriiska, waxa uu sidoo kale u soo shaqeeyey BBC-da, intii uu socday duullaankii Ciraaq iyo burburkii Baqdaad sanadkii 2003-dii

Wuxuu helay abaalmarino caalami ah oo ku mutaystay shaqadiisii, taa soo ay ku jirto Peabody Award oo uu ku mutaystay warbixintii uu BBC-da uga soo diray Suudaan iyo BAFTA oo uu BBC-da ka siiyay duullaankii Afgaanistaan oo uu ahaa weriyaha keliya ee TV-ga reer galbeedka ah ee ka soo warrama gudaha Daalibaan.

Intaas k adib waxaa uu ku biiray telefishinta Al Jazeera sanadkii 2006-2010, halkaas oo uu ku soo bandhigay taxane dokumenti ah oo habeen walba ah oo la yiraahdo Witness, isagoo sidoo kale ka shaqaynayey Bariga Dhexe.

Hadda waxa uu ITV News uga tebiyaa sheekooyinka waaweyn ee adduunka oo uu sidoo kale u soo bandhigaa barnaamijka arrimaha taagan ee ‘On Assignment.’ Sidoo kale waxa uu soo saaray warbixino qotodheer oo gaar ah oo ku saabsan UK iyo dibaddaba.

Raage, ayaa 2014-kii loo dallacsiiyay Tafatiraha Arrimaha Caalamiga ah ee ITV News.

MUQAALADA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

ENGILSH NEWS