Friday, May 3, 2024

WAR DEG DEG AH: Israa’iil iyo Mareykanka oo iska fogaysay weerarkii Lagu qaaday saldhigga ciidanka Ciraaq

Saturday-20-April-2024 {HMC} Israa’iil ayaa iska fogaysay inay wax lug ah ku leedahay weerarka lagu duqeeyay saldhigga ciidanka abaabulka caanka ah ee loogu yeero PMF ee Dalka Ciraaq oo ku yaalla koonfurta Baqdaad, sida ay sheegtay CNN.

 

Si doo kale Dowladda Mareykanka ayaa dhankiisa iska fogeeyay inuu fuliyay weerarka lagu duqeeyay saldhigga ciidanka abaabulka ee ku yaalo ee gobolka Babylon. Dalka Ciraaq.

Gilinkii hore ee shalay ayaa waxaa mar qura la maqlay Qaraxyo dab xooggan ka kiciyay saldhigga ugu weyn ee ciidanka abaabulka Ciraaq ee loogu yeero PMF kaa oo ku yaalla koonfurta magaalada Baqdaad ee Dalka Ciraaq.

 

Ma cadda illaa hadda waxa ay ka dhasheen qaraxyada iyo haddii ay diyaaraddo duqeeyeen saldhigga Ciidamada Ciraaq sida ay baahisay Wakaalada wararka ee Reuters.

 

 

 

MUQAALADA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

ENGILSH NEWS