Thursday, May 16, 2024

Maxeey tahay Sababata Dalka Jabuuti Looga Masaafuriyay Xilidhibaank u ola leeyo aqoonsiga Somaliland.?

isniin-29-April-2024 {HMC} Xildhibaan ka tirsan xisbiga Conservative-ka ee Ingiriiska ayaa sheegay in laga celiyay safar uu ku tagay dalka Jabuuti sababo la xiriira xiriirka dhow ee dalka ku yaalla bariga Afrika uu la leeyahay Shiinaha.

Tim Loughton, oo ah xildhibaanka laga soo doorto East Worthing iyo Shoreham, ayaa sheegay in la xiray in ka badan 7 saacadood, lagana mamnuucay inuu galo Djibouti horaantii bishan.

Mr Loughton, oo Shiinuhu cunaqabatayn saaray 2021, ayaa dhacdada ku tilmaamay mid “kalinimo iyo cabsi badan”.

Xafiiska arrimaha dibadda ee Shiinaha ayaa sheegay in eedeymahaasi ay yihiin kuwo aan sal iyo raad toona lahayn.

“Waxaan ka mid ahaa wafdi ka yimid Somaliland oo dooneyay in ay hesho aqonsi caalami ah, waxay Somalia ka go’aday 1991dii, aniga waxaan soo marayay Jabuuti laakii inta kale saaxibadey Adis-ababa ayey mareen. Waxaan kulan la lahaa safiirka si aan xog uga siiyo Somaliland. Waxaan wadanka joogi lahaa ku dhawaad 36 saacadood.”

“Waan imid. Diyaaradda ayaan ka dagay si aan fiiso u helo kaddibna aan ula kulmo qofkii ii qaadi lahaa hotelka. Markaas ayey dhibaatadu bilaabatay. Markii ay sawireen basaboorkeyga waxay I weydiiyeen waxaan qabto. Waxaan u sheegay in aan xildhibaan ahay markaas ayey xaaladda xumaatay. Kaddib meel gees ah ayey iga fariisiyeen hoolka laga soo dego. Qof kasta oo diyaardda saarnaa wuu baxay. Halkaas ayaan saacad fadhiyay.”

Waxa uu sheegay in aysan cidna u sheegin waxa dhibaatadu tahay.

“Kaddib qof ayaa ilaalinayay oo qol i geeyay. Qolkaas ayaa laygu xiray. Dhowr saacadood ayaan ku jiray. Markii ay ii yimaadeen ayey ii sharaxeen in aan la ii goleyn in aan dalka galo, waxaana laysaaray diyaarad ii qaadi doonto dalkeyga. Intaas ayey aheyd, wax sharaxaad ah layma siin. 7 saac ayaan halkaas joogay intaan laysoo masaafurin oo laysoo saarin diyaarad dooaxa kaddibna UK ayaan imid. Waxaan imid 24 saac ka hor xiligii aan filaayay in aan imaado. Ilaa hadda ma ogi sababta rasmiga,” ayuu yiri xildhibaan Tim Loughton.

“Jabuuti si wax ku ool ah ayey u tahay waddan Shiinaha ka tirsan – waxa Shiinuhu rabo, sababtoo ah Jabuuti in xildhibaan dhib badan oo Shiinuhu cunaqabatayn ku soo rogay uu albaabkooda yimaado waxay ahayd wax aanay doonayn inay ka kaftamaan.”

“Tani waxay ahayd tusaale kale oo ku saabsan sida teendhooyinka Dawladda Shuuciga ah ee Shiinaha ay ugu fidayaan meelaha fog, iyo saamaynta xun ee ay ku leeyihiin qaybaha xasaasiga ah ee Afrika ayaa ah mid walaac gaar ah leh,” ayuu si gaar ah ugu sheegay BBC online.

Sannadkii 2021-kii, Shiinaha ayaa cunaqabatayn ku soo rogay shan xildhibaan oo uu ku jiro Mr Loughton, kaddib markii ay dalka ka faafiyeen waxa ay ugu yeereen “been iyo war-xumo”.

Waxay ku timid aargoosi tallaabooyin ay dawladda UK ka qaadatay xad-gudubyada xuquuqda aadanaha ee ka dhanka ah kooxda laga tirada badan yahay ee Muslimiinta Uighur.

Mr Loughton waa la-guddoomiyaha kooxda dhammaan baarlamaanka ee Tibet, taas oo muujisay rikoorka Shiinaha ee xadgudubyada xuquuqda aadanaha.

2019, wuxuu soo bandhigay Sharciga Helitaanka Isdhaafsiga ee Aqalka Baarlamaanka kaas oo u baahan in dawladda UK ay qaado tillaabooyin ka dhan ah saraakiisha Shiinaha oo u diidaya inay galaan Tibet.

Sidoo kale waa xubin hormuud u ah Isbaheysiga Inter-Parliamentary Alliance on China, koox caalami ah oo ka shaqeeya dib u habeynta sida wadamada dimuqraadiga ah ay ula xiriiraan Shiinaha.

Wasiirkii hore iyo xubin ka tirsan guddiga doorashada ee arrimaha gudaha ayaa sheegay in uusan u tartami doonin doorashada soo socota oo uu baarlamaanka ku jiray in ka badan 27 sano.

Xigasho BBC

MUQAALADA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

ENGILSH NEWS