Thursday, May 2, 2024

Xisbullaah oo Qorsheyneyso in ay Dagaal Toos ah ku qaado Israa’iil

JImco -19-April-2024 {HMC}  Wargeyska Washington Post, ayaa ku warramay in sirdoonka Israa’iil ay oggaadeen inay Iran ku amartay Xisbullah inay qaadaan weerar ballaaran iyo dagaal toos ah, haddii ay Israa’iil weerar ku soo qaado dhulka Iran.

Israa’iil, ayaa wali ka fakaraysa habka ay uga jawaabayso weerarkii Iran ee Sabtidii, sida laga maqlayo saraakiisha Israa’iil, mar kasta oo weerar waxyeello gaarsiiya Iran ay qaado Israa’iil, waxay filaysa Tel Aviv, weerar aan horey loo arag oo ka baaxad weyn weerarkii Sabtidii, oo loo diiwaangeliyay midkii ugu xooggana ee Israa’iil lagu soo qaaday.

Sida muuqata, Israa’iil iyo xulafadeeda uu ugu horreeyo Mareykanka waxaa si cad ugu muuqanaya waxa ka dhalan kara weerar lagu qaado dhulka Iran , aragtidaydana si dhaqso ah iyo toddobaadyadanba lama sugi doono weerar ay si dhaqso ah Israa’iil qaado si ay u aargudato.

MUQAALADA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

ENGILSH NEWS