Axad 10 May 2026 {HMC} Waxaa saakay xiran waddooyinka muhiimka ah ee Muqdisho iyadoo la arkayo ciidamo hubeysan oo ka tirsan dowladda kuwaasi oo ku sugan waddooyinka caasimadda.
Raiisul wasaare hore Xasan Cali Kheyre ayaa la tilmaamay in laga hor istaagay inuu abaabulo banaanbixii mucaaradku qorsheeyeen maanta.
Sidoo kale ciidamo iyo gaadiid dagaal ayaa ku hareereysan goobaha ay Muqdisho ka deganyihiin siyaasiyiinta mucaaradka.
Taliyaha qeybta guud ee booliska gobolka Benaadir Macalin Mahdi ayaa sheegay inaan la aqbali karin dibadbaxyo hubeysan oo laga sameeyo Muqdisho.
M/weyne hore Shariif ayaa sheegay in mucaaradku wadaan banaanbax nabadeed hasa ahaatee ay dowladdu u diyaar garowday dagaal.
Walaaca ay qabaan shacabka Muqdisho ayaa ah in isku dhac hubeysan uu dhexmaro ciidamada dowladda iyo kuwa taabacsan mucaaradka.

