Axad 10 May 2026 {HMC} Wakaaladda wararka ee Iran ee Fars News Agency, oo soo xiganaysa “ilo xog ogaal ah”, ayaa sheegtay in markabkii xamuulka ahaa ee lagu weeraray xeebaha Qatar uu ahaa mid uu leeyahay Mareykanka, isla markaana uu sitay calanka Mareykanka.
Sidoo kale, Iran News Network ayaa iyaduna soo xigatay ilo xog ogaal ah oo xaqiijinaya in markabka la beegsaday uu sitay calanka Mareykanka isla markaana uu ay dowladda Mareykanku leedahay.
Dowladda Mareykanka weli kama aysan hadlin arrintan.
Dhanka kale, taliska howlgalka badda ee Ingiriiska ayaa saacado ka hor sheegay in markab ku sugnaa 43 kiiloomitir waqooyi-bari ka xigta caasimadda Qatar ee Dooxa lagu beegsaday “walax aan la garanayn,” taasoo sababtay dab yar oo ka kacay dusha markabka.

