Jimco 8 May 2026 {HMC} Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa kormeeray Dekadda Boosaaso oo ay ka socoto shaqadii caadiga aheyd sida dhoofinta Xoolaha iyo dejinta Badeecadaha, Madaxweynaha warbixin ka dhegaystay masuuliyiinta Dekadda, Maxjarada iyo qaar ka mid ah Ganacsatada Xoolaha dhoofsata oo uu halkaasi kula kulmay.
Dekadda Boosaaso oo ay ku socoto ballaarin iyo horumarin, isla markaasina jenbi cusub lagu kordhiyay, ayaa si dhameystiran u shaqeysa habeen iyo maalin.
Kormeerka waxaa Madaxweynaha ku weheliyay Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Mudane Maxamed Baari Shire, Wasiirka Dekadaha Dowladda Puntland Mudane Shaakir Maxamed Guuleed iyo Saraakiil Madaxtooyo.

