𝐃𝐨𝐨𝐫𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐤𝐞𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐦𝐚 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐭𝐨 𝐃𝐚𝐰𝐥𝐚𝐝.

Jimco 8 May 2026 {HMC} Soomaaliya, waxaa muuqata in ay adag tahay in ay ka qabsoonto doorasho nooc cusub ah, ama doorasho ay Madaxtooyadu gacanta ku hayso, taas oo ku dhacda oggolaansho guud iyo kalsooni siyaasadeed oo wadajir ah.

Laakiin maxaa keenay in mowduuca doorashadu mar kasta u noqdo mashruuca ugu weyn ee dawlad kasta xoogga saarto, haddana ugu dambayn uu ku dhammaado khilaaf, jahawareer iyo fashil siyaasadeed?

Aragtidayda, sababtu waxay tahay in arrimo badan oo aasaasi ah laga booday.

Doorashadu waxay ahayd in ay noqoto tallaabada ugu dambeysa ee lagu dhiso nidaam dawladeed oo dhammaystiran, balse Soomaaliya waxaa laga hormariyay iyadoo aan si dhab ah loo dhisin hay’ado dawladeed oo kala madax bannaan, awood is dheelli tira, isla markaana xakameeya awoodda ku urursan Madaxtooyada, kuwaasoo iyaguna u baahan shuruuc ilaalinaya.

Waxa dalka u baahan yahay waa nidaam dawladeed oo lagu kalsoonaan karo, ee ma aha hannaan doorasho oo xilli kasta lagu murmo.

Muddo ka badan soddon sano, nidaamyadii dawladeed ee dalka soo maray si dhab ah ugama shaqayn laba tiir oo saldhig u ah dowladnimada, caddaaladda iyo nidaam-daadejinta. Waxaa intaas dheer in muwaadiniinta aan weli si buuxda loogu qancin waxa ay dawladnimo u tari karto noloshooda.

Dawladihii is beddelay waxay ku guuldarreysteen in ay dawladnimada ka dhigaan adeeg u shaqeeya muwaadinka,halkii ay sidaas ka noqon lahayd, dawladnimadu marar badan waxay noqotay nidaam cadaadis, cabsi iyo waxyeello ku haya muwaadinka.

Nidaamyadii is xigay, midba midka kale ayuu uga tagay dhaawac siyaasadeed, kalsooni-darro iyo xasillooni la’aan. Mar kasta oo waqtiga xukunka dhammaadkiisa la gaaro, dalka waxaa soo wajaha hubanti la’aan, khilaaf siyaasadeed iyo cabsi laga qabo waxa xiga.

Hoggaamiyeyaashii dalka soo maray badankood waxay doonayeen in ay xukunka sii joogaan, balse ma aysan dhisin sabab ay bulshada ku qanciyaan oo u oggolaan karta in dib loo doorto ama lagu aamino masiirka dalka.

Ma jirin isbeddel muuqda, adeeg bulsho oo la taaban karo, caddaalad la dareemay, ama nidaam shaqaynaya oo ay ku kasban karaan kalsoonida shacabka.

Hoggaamiye sidaas u fekera wuxuu ka dhashaa dal aan lahayn isla xisaabtan dhab ah, hay’ado xakameyn kara awoodda fulinta, iyo bulsho wacyigeedu awood u lahayn in uu saameyn ku yeeshaan go’aamada hoggaanka.

Mar kasta oo waqti doorasho la gaaro, waa xilliga keliya ee xitaa qof aan Soomaali ahayn uu si cad u fahmi karo in dalka uusan weli haysan madax-bannaani siyaasadeed oo dhammaystiran.

Sababtoo ah khilaaf kasta oo taabanaya mustaqbalka dalka, haddii uu u dhexeeyo dawladda talada haysa iyo mucaaradka, waxaa inta badan dhex-dhexaadiya shisheeye.

Dabcan, cid kasta oo dhex-dhexaadinaysa khilaaf siyaasadeed waxay wadataa dano u gaar ah, heshiis kasta oo la gaarana waxaa suuragal ah in danahaas lagu dhex daro.

Arrintaas waxay ahayd in bulshada Soomaaliyeed si cad u diiddo, waana halbeeg ku filan oo muujinaya fashilka siyaasiyiinta iyo wacyi la’aanta bulshada.

Maxkamad sare oo madax bannaan, hay’ado sharci-dejin oo aan Madaxtooyadu amar siin, iyo nidaam garsoor oo lagu kalsoon yahay ayaa buuxin karay doorkan.

Hay’adahaas ayaa awood u yeelan lahaa in ay go’aamo madax bannaan ka gaaraan khilaafaadka doorashooyinka, isla markaana ay dalka ka badbaadiyaan in mar kasta masiirkiisa loo geeyo miis shisheeye.

Hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya weli kuma guuleysan in ay la yimaadaan qorshayaal cad oo la fahmi karo, lana arki karo sida ay dalka uga saarayaan meesha uu maanta taagan yahay.

Ballanqaadyada hoggaamiyeyaasha waxaa si xooggan loo maqlaa xilliga doorashada, balse boqolka maalmood ee ugu horreeya xukunkooda ayaa la arkaa iyagoo u leexday jihadii hore loogu jabay, kana fogaaday ballanqaadyadii ay shacabka hortooda ka sameeyeen.

Sababtuna waa wax ka imaanaya marka hoggaamiyuhu kursiga tago, ma jiro isla xisaabtan adag, mana jiro cabsi siyaasadeed oo uu ka qabo bulshada.

Waxaa si cad loo joogaa waqtigii Soomaalidu dib isu xisaabin lahayd. Waa in laga gudbaa wareeggan aan dhammaadka lahayn ee doorasho, khilaaf, faragelin shisheeye iyo dawladnimo aan shaqadii qaranka qaban.

Soomaaliya uma baahna dawlad cid gaar ah u shaqeysa,waxay u baahan tahay dawlad qaran u shaqeysa, muwaadinkana u adeegta.

Haddii aysan bulshadu baraarugin, haddii aysan indheer-garadku kicin, haddii aysan waddaniyiintu u istaagin dhismaha dawladnimo isu dheelli tiran, caddaalad leh, isla markaana madax bannaan, dalka wuxuu ugu dambayn wajihi doonaa faragelin sii qoto dheer, kala daadsanaan siyaasadeed iyo khatar taaban karta jiritaanka Soomaaliya lafteeda.

W/Q Iman Jamac

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

DFS oo Xoojinaysa Adeegyada Baasaboorka iyo Socdaalka Dalka.

Sabti 9 May 2026 {HMC} Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaan Cali, ayaa maanta xarunta Wasaaradda ee Muqdisho...
- Advertisement -spot_img