Imaaraadka oo la ogaaday in uu si qarsoodi ah maraakiib shidaal u mariyey marinka Hormuz.

Jimco 8 May 2026 {HMC} Warbixin gaar ah oo Reuters baahisay ayaa sheegtay in Imaaraadka Carabta (UAE) uu si qarsoodi ah maraakiib shidaal uga gudbiyay marin-biyoodka Hormuz, iyagoo damiyay qalabka lagu raadraaco maraakiibta si looga fogaado weerarro Iran kaga yimaada.

Ugu yaraan afar markab ayaa qaaday malaayiin foosto oo shidaal ah bishii April, kuwaas oo loo diray Kuuriyada Koonfureed, Malaysia iyo Cumaan.

Tallaabadan ayaa muujinaysa sida UAE ay u doonayso inay sii waddo iibinta shidaalka inkastoo dagaalka Bariga Dhexe iyo khatarta amni ee ka jirta Hormuz.

Iran ayaa si weyn u xaddiday maraakiibta isticmaasha marin-biyoodka kadib dagaalka u dhexeeya Iran iyo xulafada Mareykanka iyo Israel, taasoo sare u qaaday qiimaha shidaalka caalamka in ka badan $100 halkii foosto.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

DFS oo Xoojinaysa Adeegyada Baasaboorka iyo Socdaalka Dalka.

Sabti 9 May 2026 {HMC} Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaan Cali, ayaa maanta xarunta Wasaaradda ee Muqdisho...
- Advertisement -spot_img