AasaasahII shirkadda diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar oo Turkiga u soo Bandhigay Fikir Cusub.

Selcuk Bayraktar oo ah maskaxda wax soosaarka militari ee Turkiga iyo aasaasaha shirkadda diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar ayaa soo bandhigay fikrad kale oo awoodda militari ee Turkiga loogu rogayo mid ku fidsan guud ahaan gobollada Turkiga,

wuxuu doonayaa 81 -ka gobol ee Turkiga in laga hirgeliyo warshado soo saara diyaaradaha aan duuliyaha lahayn si sare loogu qaado wax soo saarta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo ah awoodda ay ku tiirsanyihiin dagaallada casriga ah.

Waxaa kaloo uu sheegay in dhallinyarada Turkiga la bari doono tiknoolajiyada militari iyo soo saarista diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, sida ay baahiyeen Anadolu iyo CNN Turk.

Balse , waxa ugu weyn ee ku qarsoon fikradan waa in Turkiga loo diyaarinayo dal leh awood militari oo goob kasta ku diyaarsan , si loo xaqiijiyo sii socoshada wax-soo-saarka militari haddii Turkiga uu galo dagaal weyn.

Xaggee ka timid fikradan?

Dagaalka lagu jiro ee Mareykanka uu ku qaaday Iiraan ayaa laga bartay sida awoodda militari ee ku firirsan dal ay ka dhigayso mid aan la jebin karin, awood difaac iyo weerar oo goob kasta laga heli karo iyo talisyo mid walba awood u leh inuu soo saarto rasaastiisa iyo hubka weerar , waxay dalkaa ka dhigaysa mid aan si fudud lagu looga guuleysan karin, oo haddii meel la burburiyo , isla markiiba gobolka kale ayaa ka jawaabaya oo heysta warshado iyo talisyo go’aan qaadashadooda uu u gaaryahay.

Horey , diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallada xawaaraha sare ayaa beddelay dagaallada , haddii adeegsiga habka talisyada iyo warshadaha wax soosaarka militari goob kasta lagu diyaariyo, taasii waa in gabi ahaanba laga guuray istaraatijiyadii dagaal ee talisyada meel ku aruursan , waana xisaab kale oo ku adkaynaysa quwadaha waa weyn sida Mareykanka iyo Ruushka , kuwaasoo leh talisyo aruursan iyo hub culus oo qiimo badan lagu soo saaro, waxayna awoodda iska caabin u wareegaysaa quwadaha dhexe sida Iiraan iyo Turkiga,xilli Turkiga hadda sare u qaaday wax soosaarkiisa , isagoo ka qabsanaya dagaallada casriga , iyadoo shalay uu Turkiga soo bandhigay gantaallo 6,000 km ku gaari kara wax ka yar 10 daqiiqo.

Ugu dambeyntii, Turkiga wuxuu muujinayaa inuu isku diyaariyay dagaal, isla markaana uu dhab u qaatay hanjabaadaha Israa’iil iyo colaadda aan dhammaadka lahayn ee Bariga Dhexe, isagoo hadda soo bandhigaya sida uu isugu diyaarinayo dagaallada casriga ah ee si weyn ugu tiirsan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee jaban, degdegga loo sameeyo, isla markaana tiro badan lagu adeegsan karo, kuwaasoo hadda Mareykanka iyo Israa’iil ay ku dhibtoonayaan.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

Maxay ka wada hadleen Wasiirrada Difaaca Soomaaliya iyo Suudaan?

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan gaar ah la yeeshay dhigiisa dalka Suudaan, General Hassan Daoud Kabroun, intii uu socday...
- Advertisement -spot_img