Trump, oo in uu hakiyay howlgalkii uu labo maalin ka hor sheegay in uu ku furayo marin-Hormuz.

Trump, ayaa waxyar ka hor shaaciyay inuu hakiyay howlgalkii uu labo maalin ka hor sheegay in lagu furayo marin-biyoodka Hormuz si ay u maraan maraakiibta ganacsiga ,

wuxuuna sheegay go’aankan inuu gaaray ka dib codsi uga yimid Pakistan iyo dalal kale, isagoo intaa ku daray in horumar weyn laga sameeyay heshiis dhammaystiran oo kama dambeys ah oo Mareykanka uu la gaari karo Iiraan.

Isla markiiba markii Trump uu ku dhawaaqay go’aankan, warbaahinta Iiraan ayaa baahisay ; “ Trump mar kale ayuu baqay oo dib u gurtay.”

Saacado ka hor warbaahinta Axios oo ku dhow Trump ayaa xaqiijisay in ka hor howlgalka uu Trump u bixiyay Freedom Project oo ujeedkiisa lagu sheegay in Iiraan lagala wareego gacan ku heynta marinka Hormuz ,in la wargeliyay Iiraan, balse Iiraan hanjabaada dhagaha ayay ka xiratay , iyadoo leh ; “

ku dhaqaaqa oo aan aragno.” Laakin keliya maalin ka dib Trump ayaa hadda wuxuu sheegay in howlgalkaa la hakiyay oo uu dhow yahay heshiis in la gaaro, si dagaalkan loo soo afjaro.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

Markab ay lee dahay Dowladda Faransiis oo lagu weeraray meel u dhow Dubai.

Markab ay lee dahay Dowladda Faransiis ayaa lagu soo waramayaa in lagu weeraray meel u dhow Dubai sida uu baahiyay Telefishanka CBS ee Maraykanka...
- Advertisement -spot_img