Suurta Gal matahay in dagaal ka dhex qarxo Turkiga iyo Israa’iil?

Israa’iil iyo Turkiga ayaa waxay lahaayeen xiriir diblumaasiyadeed oo sii xumaanayay saddexdii sano ee la soo dhaafay, waxaana uu hadda gaaray heer laga yaabo in uu dagaal qarxo.

Hogaamiyayaasha dalalkan ayaa waxaa soo kala dhex galay khilaaf xoogan, iyadoo laga cabsi qabo in labada dal ay is weeraraan.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, ayaa 11-kii Abriil ku eedeeyay madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan inuu taageero “maamulka” ee Iran oo uu dilayo muwaadiniintiisa Kurdiyiinta.

15-kii Abriil, madaxweyne Erdogan ayaa khudbad uu jeediyay ku yiri “iyagoon xitaa ka fiirsan dhimashada 73,000 oo reer Gaza ah, waxay u soo baxeen inay farageliyaan qarankeena iyaga oo u maraya walaalaheena Kurdiyiinta.”

Falanqeeyayaasha la hadlay BBC-da Turkiga ayaa sheegay in suurtagalnimada isku dhac dhexmara Turkiga iyo Israa’iil ay aad u sareyso, balse labada dhinac ay wadaan dadaallo ay kaga hortagayaan weeraro.

Xiisada siyaasadeed ee u dhaxaysa Turkiga iyo Israa’iil ayaa kor u kacday kadib weerarkii Xamaas ee October 7, 2023, iyo hawlgalkii militariga Israa’iil ee Marinka Gaza.

Saddexdii sano ee la soo dhaafay, labada dal ayaa midba midka kale farta ku fiiqayay, illaa Turkiga uu ku dhawaaqay inuu joojinayo ganacsiga Israa’iil.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

Suudaan oo itoobiya iyo Imaaraadka ku Eedeysay in ay ku lugleeyihiin weerar loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Dowlada Suudaan ayaa ku eedeysay Imaaraadka iyo Itoobiya iney si buuxda ugu lug leeyihiin weerar loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo shalay duhurkii...
- Advertisement -spot_img