Ciidanka GorGor oo la wareegay gacan ku haynta garoonka diyaaradaha Jowhar.

Sida ay sheegayaan ilo xog-ogaal ah, Ciidanka GorGor ayaa la wareegay gacan ku haynta garoonka diyaaradaha Jowhar iyo sidoo kale check-point-yada laga soo galo magaalada. Arrintan ayaa la sheegay inay walaac iyo welwel weyn ku abuurtay Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Guudlaawe.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo Villa Somalia ayaa tilmaamaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu qorsheynayo in xilka Madaxweynaha Hirshabelle loo wareejiyo beesha Xawaadle. Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in fariintii hore ee Cali Guudlaawe loo sheegay,taas oo ahayd inuu matali doono JSP ay ahayd mid lagu maaweelinayay si loo dejiyo xaaladdiisa.

Cali Guudlaawe oo dareemaya cadaadis siyaasadeed ayaa la sheegay inuu xiriir la sameeyay qaar kamid ah Madaxda Mucaaradka, waxaana haatan la falanqeynayaa qorshe looga hortagayo tallaabooyinka Xasan Shiikh u qorsheysan.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

- Advertisement -spot_img