Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa shaaca ka qaaday inay waxyar ka hor gantaallo ku weerarreen maraakiib dagaal oo Mareykan ah ,
kuwaasoo dansaday raadaarkooda, isla markaana ku soo dhawaaday marin-biyoodka Hormuz, saacado ka dib markii weerar gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay ka dhaceen gudaha Imaaraadka Carabta , iyadoo weerar khasaare dhaliyay uu ka dhacay aagga warshadaha shidaalka ee Fujairah, halkaa oo la sheegay ugu yaraan saddex qof oo Hindi ah inay ku dhaawacmeen.
Iiraan waxay u muuqata inay farriin u diray Mareykanka oo sare u qaaday dhaqdhaqaaqyada dib usoo celin kara dagaalka , halka dhulka Imaaraadka uu noqday meelaha diyaar garowga ay ku sameynayaan Mareykanka iyo Israa’iil.
