Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR, oo kaashanaysa shirkadda xaraashka gaadiidka ee Phillips International Auctioneers, ayaa toddobaadka soo socda qabanaysa xaraash weyn oo lagu iibinayo gaadiid tiro badan oo hore ay u adeegsan jirtay hay’addaasi.
Xaraashkan oo dadweynaha u furan ayaa lagu soo bandhigi doonaa gaadiid noocyo kala duwan leh, kuwaas oo ay ka mid yihiin baabuurta Toyota Land Cruiser, Toyota Land Cruiser Station Wagon, gaadiidka gurmadka caafimaadka, booyadaha biyaha qaada, baabuurta iska rogga ah iyo sidoo kale mashiinnada qaada xamuulka culus.
xaraashku wuxuu ka dhici doonaa xarunta UNHCR ee Degmada Dhadhaab halkaas oo dadka danaynaya ay ka sii xulan karaan gaadiidka maalmaha ka horreeya xaraashkooda
Sida jadwalku tilmaamayo, maalinta rasmiga ah ee xaraashka gaadiidka ayaa la qorsheeyay Khamiista 7-da May 2026-ka saacadda marka ay tahay 10:00-ka subaxnimo.
Qofkii doonaya inuu ka faa’iidaysto, wuxuu la xiriiri karaa lambarrada hoos ku qoran.
📞 0722 427 202 / 0727 872 478 / 0721 244 842
