Ciidamada Badda wadanka Pakistan ayaa ka jawaabay baaq gargaar oo degdeg ah oo uga yimid markab ay leedahay Pakistan, kaas oo cilad farsamo ku qabsatay intii uu marayay Badda Carabta oo u dhexaysa dalalka Cumaan, Pakistan iyo Hindiya xilli uu ku sii jeeday dekedaha Hindiya kana soo baxay Cumaan.
Cilladda ayaa la sheegay inay ku dhacday matoorka markabka, taas oo keentay in uu waayo awooddii uu ku socon lahaa, isla markaana uu hakad ku galo bartamaha badda. Maamulka markabka saarnaa ayaa diray fariin gargaar oo degdeg ah, taas oo keentay in ciidamada badda Pakistan ay si dhaqso leh uga jawaabaan.
Hawlgalka samatabbixinta ayaa lagu badbaadiyay lix badmaax oo u dhashay Hindiya iyo hal qof oo u dhashay Indonesia, kuwaas oo si nabad ah loo soo gaaray loona fidiyay gargaar caafimaad iyo mid bini’aadantinimo.
Dhacdadan ayaa imanaysa iyadoo ay jiraan dagaal u dhexeeya Pakistan iyo Hindiya, inkastoo aanay jirin dagaal toos ah oo haatan socda, iyadoo ciidamada Pakistan ay xaqiijiyeen si buuxda uga dhaqaajiyeen meesha Markabka .
