Waxyaabaha Aan caadiga aheyd ee ka socdo Africa iyo Halka Ay Soomaaliya ka joogto.

Mareykanka ayaa hadda u muuqda in uu garwaaqsaday si khaldan inuu ula macaamilay qaaradda Afrika, halkaana uu isku seejiyay arrimo istaraatiji ah oo hadda kharash badan uga baxayo.

Tan iyo qarnigii 20-aad Mareykanka wax daneyn ah uma muujin jirin Afrika, taa beddelkeeda wuxuu Aqalka Cad ka fogeeyay hoggaamiyeyaasha Afrika, halka uu qaarada kula dhaqmay istaraatijiyad ah ; ‘meel baahan oo keliya loo diro gargaar.’

Isbeddelka istaraatijiga ah ee hadda ka dhacaya dunidda ayaa ku qasbay inuu Mareykanka dhabarkiisa ka arko goobtii ugu muhiimsanayd oo si kibir leh uu uga jeestay. Meel hoggaamiyeyaasha Mareykanka ay u arkayeen inaysan wax faa’iido ah lahayn.

Haddase muxuu Mareykanka ka wajahaya Afrika?

Loollanka marinnada istaraatijiga ah iyo macdanta muhiimka ah ayaa hadda sare u qaaday qiimaha Afrika , ma aha Afrika oo dhan waa dalalka qaran madax bannaan uu ka jiro.

Shiinaha ayaa qaaradda si weyn dhex galkeeda uga dheereeyay Mareykanka, taasi Shiinaha waxay ka dhigtay dalka haysta macdanta ugu badan ee caalamka oo qaybaha muhiimka ah Afrika laga soo dhoofiyo, wuxuu Shiinaha tusay Afrika waji furan oo aan caga-jugleyn iyo cabsi gelin lahayn laakin qiiyaano aamusan ah, wuxuuna uga dhigay Beijing, goob roog cas lagu soo dhaweeyo.

Taa beddelkeeda Afrika , hadda waxay dharbaxo ku dhufanaysa Mareykan, si aad u fahanto halkan hoose eeg xogta ku jirta , laga yaabee inay kugu noqoto lama filaan.

Waxaa jira arrin dadka oo dhan aysan maqal , ma aha Shiinaha inuu Afrika ka qaato keliya macdan, sidoo kale wuxuu qaaradda ka fuliyay howlo shaybaar oo cududarada faafa iyo fayrisyo cusub tijaabadooda ay ka mid yihiin, oo ay weheliyo xogta caafimaad ee Afrikanka, sababta uu Shiinaha tan u sameeyay waa inuu helo daawooyin iyo tallaalo cuduradan , isla markaana fayrisyada qaar uu dib ugu adeegsan karo sidii hubkii, xilli dambana Mareykanka ayaa taa isku dayaya hadda inuu Afrika ka sameeyo.

Mareykanka wuxuu doonayay in Zimbabwe ay la wadaagto xogta cudurrada dalka. Zimbabwe waxay tiri: “Waxaad naga qaadanaysaa xogta, laakiin ma hubno inaan ka faa’iideysan doono tallaalada ka soo baxa cilmi-baaristaas ,sidaas darteed ma aqballeyno.”

Ma garanaysa Mareykanka , qiimaha lacageed uu miiska usoo saaray hoggaamiyaha Zimbabwe, si uu xogta caafimaad ee dadka dalkaa u helo, waa in ka badan $367 milyan, oo ay ku jirto wadahadal lagu kordhin karo, wax kasta Zimbabwe albaabada ayay ka xiratay Mareykanka, wayna diideen heshiiska Mareykanka.

Ghana , waa dal kale oo Afrika ah waxay diidday wadaagga xogta caafimaadka ee u gaar ah dadkeeda, oo ay Mareykanka u soo jeediyeen in ay siiyaan. Heshiis $109 milyan, ayuu Mareykanka u badhigay Ghana.

Intaa kuma joogsan Mareykanka , Zambia ayaa diiday 1 bilyan oo doolar oo Mareykanka ku doonayay xogta caafimaad ee dadka dalkaa iyo macdanta Zambia, balse heshiiskan way diiday Zambia, mar kale ayuu hadana Mareykanka kordhiyay lacagta oo uu gaarsiiyay 2 bilyan oo doolar, uma shaqeyn oo Zambia mar kasta diidmo ayay usoo badhigaysay Mareykanka.

Meel aan ka fogeyn Soomaaliya, wuxuu Mareykanka uu hoggaamiyo Trump oo warbaahinta horteeda kibir ku soo muujiya ku soo bandhigay isbeddel aan caadi ahayn , ka dib markii ay wakaaladda wararka ee Reuters ay maanta baahisay inay aragtay dukumeentiyo xaqiijinaya inuu Mareykanka doonayo cunaqabateynta in laga qaado dalka Eritrea, oo dib loogu soo celiyo hannaanka maaliyadeed ee caalamiga ah iyo muddo ka badan soddon sanno oo dalkaa uu go’doon ahaa hadda loo furo dunidda kale, taa beddelkeeda wuxuu Mareykanka doonayaa inuu hagaajiyo xiriirka Eritrea, sabab la xiriirta inuu dalka hadda yeeshay muhiimad istaraatiji ah oo ka dhalanaysa inuu leeyahay xeeb dheer oo ku teedsan Badda Cas kana soo horjeedda Sacuudiga , iyadoo isla Sacuudiga la aaminsanyahay hagaajinta xiriirkan inuu door ku leeyahay , xilligaana goobtaa ay muhiimad u leedahay Mareykanka.

Dib u hagaajinta xiriirka Mareykanka iyo Eritrea , iyo in Mareykanka cunaqabateynta ka qaadayo, waxaa kaloo warbixinta Reuters ay ku sheegtay inay tahay farriin cad oo loo dirayo Itoobiya, si meesha looga saaro hanjabaada iyo iskuday kasta oo Itoobiya ay ku soo weerarri karto Eritrea.

Dhacdooyinkan xilli ay ka socdaan Afrika , waxaa jira dal ka go’an oo aysan waxba u goyn barta istaraatijiga ah ee uu ku yaal iyo macdanta uu heysto , waxaan ka hadlayaa Soomaaliya!

Muddo ka badan soddon sanno, Soomaaliya waxay ahayd dal ku tiirsan deeq ka timid dunidda oo tirada ugu badan uu bixinayay Mareykanka , waa wax ka badan tobannaan bilyan oo doolar, waxay lacagahaa lahaayeen ujeeddooyin lagu sheegay taageerro caafimaad iyo qaybaha kale ee gargaarka.

Ma jirtaa cid tobannaan bilyan sabab la’aan ku bixinaysa ? Waydii howlwadeennada hay’adahaa lacagtan ay ku soo dhacaysay warbixinnada ay aruurinayeen?

 

Magaalo kasta oo dalka ku taal , sidoo kale waxaa ku yaal tobannaan xeryo barakacayaal , tiro badan oo dadkaa ka mid ah waa xoolo dhaqato laga soo ka xeeyay miyiga iyo beeralay isaga soo tagay beerahooda , labada tiir ee jiritaanka dadka Soomaaliya uu ku tiirsanyahay. Dadka waxay ka soo carareen abaaro iyo nabadgalyo xumo.

Dalka wax walba oo dhex yeel si fudud lagu helayo, waa dalka leh xeebta ugu dheer gobolka iyo dal lagu tiriyo inuu leeyahay macdan badan,iyadoo Afrikada kale qiimo badan loo soo bandhigayo si looga helo wax ka yar waxyaabaha laga heli karo Soomaaliya, ma suragalaysa in laga leexdo Soomaaliya, oo wax walba bilaash yihiin oo hoggaanka siyaasadeed iyo aqoonyahanku u arkaan xiriirrada shisheeye waxa ugu wanaagsan ee darajada leh, taa oo ay ku soo bandhigayaa sida dalka uu u yahay mid aan madax bannaanayn.

Waligood hoggaamiyeyaasha siyaasadda ee shacabka ay u sacabtumaan ma keenin siyaasad badbaado u ah qarankan sida istaraatijiga ah u burburaya, taa beddelkeeda waxay warbaahinta ku soo muujiyaan caro iyo inay yihiin kuwa ugu fiican !
Iyadoo waxyaabahan oo dhan ay dhacayaan hoggaamiyeyaasha siyaasadda waxay doonayaan dhinacyo shisheeye inay dhex dhexaadiyaan , si doorashada ay u dhacdo, waa arrin ay ahayd hoggaamiyaha xilka haya inuu dalka ka fogeeyo, taa beddelkeeda bulshada la kala safan siyaasiga aan mustaqbal u dhisin, uma arkaan arrintan wax weyn , laakin taariikhda ma cafiso bulsho aan sugin mustaqbalkooda , waana cawaaqib horyaalla bulshada Soomaaliyeed inay si wadajir ah uga fakaraan oo isku waydiiyaan ; sidan ma tahay mid lagu badbaadi karo oo gobonimo leh, mise ilhaano iyo gumeysi ayaan waddada u falayna?

Haddii aysan Soomaaliya helin cid u istaagta yegleelida qaran , ka duwan Soomaaliya hadda ee aan madax bannaaneyn ,sidoo kale dadkiisa aysan lahaanshiha lahayn, markaa natiijada qof kasta oo is waydiintan ku istaaga , si fudud ayuu ku helayaa.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

Markab ay lee dahay Dowladda Faransiis oo lagu weeraray meel u dhow Dubai.

Markab ay lee dahay Dowladda Faransiis ayaa lagu soo waramayaa in lagu weeraray meel u dhow Dubai sida uu baahiyay Telefishanka CBS ee Maraykanka...
- Advertisement -spot_img