Markab ay lee dahay Dowladda Faransiis ayaa lagu soo waramayaa in lagu weeraray meel u dhow Dubai sida uu baahiyay Telefishanka CBS ee Maraykanka iyo BBC da .
Warbaahinadan ayaa xiganaya saraakiil Maraykan ah in markab xamuul ah oo ku sugan Gacanka Beershiya, meel u dhow Dubai, lagu la beegsaday gantaal la tuhunsan yahay in uu yahay cruise missile, kaas oo sababay dhaawacyada dhowr xubnood oo shaqaalaha markabka ah.
Markabka Faransiiska leeyahay ee CMA CGM San Antonio ayaa la beegsaday habeenkii Talaadada goor dambe waqtiga maxalliga ah, sida ay saraakiishu sheegeen.
Markabku wuxuu ku sugnaa meel u dhow Dubai ilaa duhurkii maalintaas, balse lama hubo inuu ka dhaqaaqay tan iyo markaas, sida ay muujinayaan xogta raadraaca maraakiibta ee dadweynaha.
