Xaafadda Warlaliska ee degmada Dayniile waxaa hadda lagu jaray waddooyinka, iyadoo baabuurta gaashaaman ee loo yaqaan “beebayasha” ay halkaas ku sugan yihiin.
Sidoo kale, waxaa goobta si wadajir ah ugu sugan ciidamo kala duwan oo isugu jira Booliis, Milatari, NISA iyo Haramcad, kuwaas oo wada howlgallo amni oo xaaladda lagu xasilinayo.
Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana socda dadaallo lagu xakameynayo dhaq-dhaqaaqyada ka jira deegaanka.
