Kulan deg deg ah oo looga Hadlaayo Amaanka Muqdisho oo hada La soo gabagabeeyay.

Jimco 8 May 2026 {HMC} Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa caawa shir-guddoomiyey kulanka amniga caasimadda oo diiradda lagu saaray dardargelinta hawlaha lagu xaqiijinayo amniga caasimadda, xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha amniga iyo maamullada degmooyinka, ka hortagga falalka amni-darrada iyo burcadda abaabulan ee dhibaateeya xasilloonida shacabka.

Kulanka ayaa sidoo kale loogu hadlay adkeynta iyo hogaansamidda amarkii kasoo baxay Duqa Magaalada Muqdisho ee ahaa in la hakiyay dhammaan hawlaha fulinta, baneynta iyo jid-u-furista dhulka ee ka socday Magaalada Muqdisho, iyadoona shirka lagu adkeeyay sii joogteynta qorshayaasha wadajirka ah ee lagu xaqiijinayo amniga iyo difaaca shacabka ku nool caasimadda iyo deegaannada ku xeeran, si loo ilaaliyo koboca iyo horumarka Muqdisho.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa hoosta ka xarriiqay in sugidda amniga iyo xasilloonida Muqdisho ay laf-dhabar u tahay horumarka caasimadda iyo guud ahaan dalka, isaga oo faray mas’uuliyiinta iyo hay’adaha amniga in la sii laba-laabo dadaallada lagu ilaalinayo nabadda iyo badqabka bulshada.

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

DFS oo Xoojinaysa Adeegyada Baasaboorka iyo Socdaalka Dalka.

Sabti 9 May 2026 {HMC} Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaan Cali, ayaa maanta xarunta Wasaaradda ee Muqdisho...
- Advertisement -spot_img