Jimco 8 May 2026 {HMC} Trump oo ku dhibaatoonaya dagaalka Iiraan, ayaa muddo ka dib beddelay mowduuca Iiraan, wuxuuna waxyar ka hor ku dhawaaqay inuu ku guuleystay Ruushka iyo Ukraine xabbad-joojin saddex maalin ah inay gaaraan, taasoo la xiriirta dabaal-degga Ruushka ee guushii uu ka gaaray dagaalkii labaad ee adduunka.
Trump, ayaa sidoo kale sheegay muddada lagu jiro xabbad-joojinta inay Ruushka iyo Ukraine is dhaafsan doonaan min 1,000 , labada dhinac oo ah maxaabiista dagaalka lagu qabtay.
“Waan ku faraxsanahay inaan ku dhawaaqo inay jiri doonto xabbad-joojin saddex maalmood ah (9-ka May, 10-keeda, iyo 11-keeda) ee dagaalka u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine.”
“Dabaaldegga ka socda Ruushka wuxuu la xiriiraa Maalinta Guusha, balse sidoo kale Ukraine ayay quseysaa, maadaama ay iyaguna qayb weyn oo muhiim ah ka ahaayeen Dagaalkii Labaad ee Adduunka.
Xabbad-joojintan waxay ka koobnaan doontaa joojinta dhammaan howlaha militari ee tooska ah, sidoo kale waxaa jiri doona is dhaafsi min 1,000 maxbuus oo labada dal kala hayaan.”

