Isniin 11 May 2026 {HMC} Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa sheegay in dalkiisu “uusan qorsheynayn” inuu ciidankiisa badda geeyo marin biyoodka Hormuz laakiin uu siin doono hawlgal nabad ilaalin ah “iyadoo lala kaashanayo Iiraan.
Sabtidii, Ciidamada Badda ee Ingiriiska ayaa ku dhawaaqay inay maraakiibtooda u dirayaan Bariga Dhexe, si ay uga qayb qaataan hawlgal caalami ah oo lagu ilaalinayo dhaqdhaqaaqa maraakiibta ee ka socda Gacanka Hormuz.
Raysal Wasaaraha Boqortooyada Ingiriiska iyo Madaxweynaha Faransiiska ayaa si wadajir ah u muujiyay taageerada ay u hayaan waxa loogu yeero howlgalka caalamiga ah.
Axadda, wasiirada difaaca ee ka kala socda in ka badan 40 waddan ayaa la filayaa inay kulmaan, si ay uga wada hadlaan qorshayaasha hawlgal ay hoggaaminayso UK si loo ilaaliyo marin biyoodka Hormuz.
Tehran ayaa gebi ahaanba xirtay dhuumaha shidaalka qaada shan meelood meel ka mid ah shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee adduunka, tan iyo markii Mareykanka iyo Israa’iil ay dagaal bilaabeen 28-kii Nofeembar,
Afhayeenka militariga Iiraan, Mohammad Akraminia, ayaa ka digay in “tallaabo adag” laga qaadi doono maraakiibta mara marin biyoodka Hormuz, haddii aysan marka hore la shaqeyn Iiraan.

