Madaxweynaha Soomaaliya oo u Safray Uganda.

Isniin 11 May 2026 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u safray Magaalada Kampala ee Dalka Uganda si uu uga qaybgalo Caleemosaarka Madaxweyne Yoweri Museveni oo qabsoomaysa berri oo ah 12ka May 2026

Yoweri Museveni ayaa markii 7aad loo caleemosaarayaa Madaxweynaha Dalka Uganda, waxaana dhowaan loo dhaariyay xilkaas, madax kala duwan ayaa kusii qulqulaysa kuwaas oo ah hoggaamiyeyaasha Dalalka xiriirka kala dhaxeeya.

Museveni waxaa Soomaaliya ka jooga ciidamo ku howlgalla Magaca Midowga Afrika kuwaas oo fasax ka haysta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waa ciidankii ugu horreeyay ee Afrikaan ah ee dalka la keenay sannadkii 2007dii.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalin kahor ka qaybgalay Caleemosaarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo dib loo doortay, shalay barqadii ayuu Muqdisho kusoo laabtay iyada oo isla maanta ka safray Caasimadda.

 

VIDEO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Stay Connected

0FansLike
0FollowersFollow
0SubscribersSubscribe

WARARKA

Madaxweynaha Iiraan “Weligay madaxeena uma foorarin doonno cadowga.”

Isniin 11 May 2026 {HMC} Qoraal uu ku qoray boggiisa X, ayuu ku yiri: "Wadahadalada ama gorgortanku macnaheedu maaha in la qirto guuldarro ama...
- Advertisement -spot_img